warbaahinta Itoobiya Ka Hadashey Xaalada Dadka Kelyaha Loogu Sifeeyo Cisbitaalka Hargeysa

0
1

Baraarugtv.com-Tallaabadii ay Somaliland qaaday ee Caafimadka la xidhiidhay ayay marreegaha Itoobiya kuwa ugu Afka-dheer ilaa shalay qorayaan. Kuwa Laba Milyan ku taxan yihiin xitaa waxay ku sifeeyen tallaabo laga dhadhansan karo Dowladnimo iyo damqasho shacab.Hoggaminta mayalka adag waxay isu sawiran in la liidayo hadii ay shacabka darreenkisa dhagaystaan- laakin ka jawaabista tabashada shacabku waxay keenta in dad cusub hoggaanku taagero ka helo sida tallaabadan Madaxwayne Ciro hadaba ay uga gudubtay xuduudka Somaliland.