Maxaa Somaliland Ahaan Inoo keenay shirkad ITAS Ee Soomaaliya u Adeegta?

0
28

“haddii shirkadaasi fuliso mashruucan miyaanu nidaamkeenii maaliyadeed ama xogteenii si fudud ugu gacan galayn Soomaaliya ?

Baraarugtv.com-“Waxa jira mashruuc weyn oo aad u balaadhan kaasiyoo la yidhaa ITAS, nidaamkan oo ah mid isku dhafa looguna talo galay in lagu hagaajiyo hanaan maaliyadeedka Somaliland, mashruucan oo uu maalgalinaayo World Banku, asal ahaan waxa loo yaqaanaa ” Integrated Tax Administration System” loona soo gaabiyo (ITAS) waa mid si sal balaadhan loogu casriyaynaayo habka maaliyada Somaliland.

Haddaba mashruucani waxa uu maryaa wajigii koowaad kaasi oo lagu soo xulaayo shirkada ITga ah ee fulin karta, dhisi karta, Systemka nidaamkani ku shaqaynaayo runtiina ah mid lacag badani ku baxayso.

Sida wararku ama xoguhu sheegayaan iyada oo la maraayo wajigii xulista labaad ee “Short listka” waxa la sheegayaa in ay ka mid tahay Shirkada la yidhaa ( Tecno Brain) oo fadhigeedu yahay Kenya, gaar ahaan Nairobi, shirkadani laba sanno ka hor waxa ay fulisay mashruuc kan la mid ah oo World Banku u maal galiyay Soomaaliya kaasi oo waliba sida xoguhu sheegayaan aan u fulin sidii la rabay ama goldoloolooyin badani ka soo noqdeen, waxa is weydiin mudan maxaa Somaliland ahaan inoo keenay shirkad Soomaaliya u adeegta?

Waxa kale oo su’aala haddii shirkadaasi hesho ama fuliso mashruucan miyaanu nidaamkeenii maaliyadeed ama xogteenii si fudud ugu gacan galayn Somaliya ?

Waxa mihiima in hawlaha noocaasi ah ee xaasaasigaa laga taxadiro si aanay u dhicin wax la mid ah E Visaha caqabada inagu ah maanta.”Ayuu yidhi Nuradiin Diini