“Waa Isbahaysi Ku Aaddan Doorashada Madaxtooyada.In La Helo Isbedel Hoggaamineed.Dhibaatooyinka Siyaasaddeed,

0
138
"Waa Isbahaysi Ku Aaddan Doorashada Madaxtooyada.In La Helo Isbedel Hoggaamineed.Dhibaatooyinka Siyaasaddeed,
"Waa Isbahaysi Ku Aaddan Doorashada Madaxtooyada.In La Helo Isbedel Hoggaamineed.Dhibaatooyinka Siyaasaddeed,

Hargeysa,(baraarugtv.com)-Saaka waxa aannu, hoggaan ahaan, ibo-furnay wejigii labaad ee

"Waa Isbahaysi Ku Aaddan Doorashada Madaxtooyada.In La Helo Isbedel Hoggaamineed.Dhibaatooyinka Siyaasaddeed,
“Waa Isbahaysi Ku Aaddan Doorashada Madaxtooyada.In La Helo Isbedel Hoggaamineed.Dhibaatooyinka Siyaasaddeed,

wadahadallada Urur Siyaasadeedka KAAH – Somaliland iyo Xisbiga Waddani kuwaasi oo ay isku arkeen Guddiyada Farsamada ee labada dhinac.

Isbahaysiga mucaaridka ah ee Urur Siyaasadeedka KAAH iyo Xisbiga Waddani ujeedadiisu ma aha in ay isku biireen Xisbi iyo Urur, ee waa isbahaysi ku aaddan doorashada Madaxtooyada, in la helo isbedel hoggaamineed oo si dhab ah wax uga qabta dhibaatooyinka siyaasaddeed, amni, dhaqaale, bulsho iyo deegaan ee dalkeenu wajahayo.

Sidoo kale, isbahaysigani ma aha mid qolooyin iyo qabiillo gaar ah dabada ku haya, balse ujeeddada heshiiska labada dhinac waa in la helo midnimo qaran iyo wadajir sees u ah dastuurka, una taagan qiyam dawladeed oo muwaadiniintu wada ilaashadaan. Yoolkeennu waa dawlad sharciga iyo caddaaladda ku shaqaysa, hubisana in muwaadiniintu si isku mid ah uga faa’idaystaan khayraadka, adeegyada Qaranka iyo soo celinta kalsoonidii, ixtiraamkii iyo wadajirkii ka dhexeeyay bulshada Somaliland, iyo soo-noolaynta qabkii dowladnimada iyo qarannimada ee dhaawacu gaadhay.

Siyaasadda meel dhexe la isma taago, haad cad baa la qaadaa duhur cad. Urur siyaasadeedka KAAH, doorashada madaxtooyada boqor sameeyuu noqonayaa, laakiin doorashada xisbiyada waa boqor.”sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha ururka Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi.