Hargaysa,(Baraarugtv com)- Waxaa maanta si rasmi ah u furmay tababar laba cisho ah oo loo qabanayo shaqaalaha laf-dhabarta u ah xafiiska Gudida Qandaraasyada Qaranka, kaas oo ku saabsan hufnaanta shaqada, waajibaadka shaqo, iyo xeerka shaqaalaha.
tosrc=”https://baraarugtv.com/wp-content/uploads/2026/03/FB_IMG_1774884504114-225×300.jpg” alt=”” width=”225″ height=”300″ class=”alignnone size-medium wp-image-55537″ />







Tababarkan waxaa soo qabanqaabiyay Waaxda Tababarka iyo Awood-dhisidda ee GuddidaQandaraasyadaQaranka.
Ujeedada tababarkan ayaa ah kor u qaadidda aqoonta, hufnaanta iyo fahamka shaqaalaha ee ku aaddan gudashada waajibaadkooda shaqo.
Furitaanka tababarka waxaa si rasmi ah u furay oo ka mid ah xubnaha guddida Qandaraasyada Qaranka, isaga oo ka hadlay muhiimadda tababarkani u leeyahay shaqaalaha iyo doorka uu ka qaadanayo horumarinta anshaxa, nidaamka, iyo tayada shaqo ee hay’adda.
Tababarku wuxuu ku bilowday si habsami leh, waxaana la filayaa in muddada labada cisho ah ee uu socdo ay shaqaaluhu ka faa’iideystaan aqoon iyo waayo-aragnimo wax ku ool ah oo kor u qaadda waxqabadkooda shaqo.
Alla Mahad Leh
Xafiiska warbaahinta Guddida Qandarasyada Qaranka
email caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com


