Madaxweynaha Lafta Gareen Ma Itoobiya Ayuu Isu-dhiibay?

0
18

#Wararkii ugu danbeeyay ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa goordhaweed ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, isagoo u amba baxay safar dibadeed oo si rasmi ah loo shaacin jihadiisa.Balse ilo-wareedyo lagu kalsoon yahey ayaa u sheegay Red Sea intelligence TV in lafta green iyo Shan xubnood oo qoyskiisa ah iyo lafta gareen raceen diyaarad ay leedahey Dawladda Itoobiya.
Sidoo kaleWarar kale ayaa sheegaaya in safarkiisu ku wajahan yahay magaalada Nairobi, halka ilo kale ay sheegayaan inuu u duulay dhanka Addis Ababa.
xogaha qaar ayaa xusaya in safarkan uu la xidhiidho arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah, gaar ahaan qorshe la sheegay inuu fashilmay, kaasoo la xidhiidhay rajadii laga qabay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu gaadho Baydhabo, isla markaana Madaxweyne Laftagareen uu iscasilo.
Hase yeeshee,Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo caddeynaya halka uu si toos ah ugu wajahanyahay Madaxweynaha, iyadoo wararka is khilaafsan ay sii kordhinayaan hubanti la’aanta ku xeeran safarkiisa.
#RSI TV