Waxa soo socda, waxna waa la socdaan, waxna way sii joogaan!

Hargeysa(Baraarugtv.com)-Xukuumaddeena iyo masuuliyiinta magacaabani, xilka ay doonaan ba ha hayaane, waxay ku celceliyaan; wax weyn baa soo socda! Haddaba, waxa soo socda, wax baa la socda, waxna way sii joogaan!
Maxaa soo socda?
Walow masuuliyiinta xukuumadda u magacaaban qaarkood aanay garanaynba waxa soo socda oo ay raaciyayaal (Orta raaciya) u badan yihiin, haddana sida ay uga jeedaan, innagoo niyad wanaag ku eegayna, waxa soo socda bay inna leeyihiin aqoonsigii dalal kale ay inna aqoonsanayeen! Waa filasho wanaagsan, Ilaahay ha inoo rumeeyo sidii horeba u dhacday, waynu wada sugaynaa oo ku garab taagannahay.
Maxaa la socda?
Waxa soo socda, waxa la socda caqabado u baahan in aan la sugin ee laga gaashaanto, lagana hawlgalo! Dalalka iyo dunnidu waxay kala iibsanayaan oo ay isweydaarsanayaan dano laga yaabo qaarkood inay gaadhsiisan tahay inay dhabarka inoo jeediyaan oo xidhiidhka Somaliland ku beddeshaan xidhiidho uga faa’iido badan. Dalalkaa waxa ku jira saaxiibbo hore iyo kuwa aynu imika filaynaba! Qaarkood laga yaabo inay aqbalaan soo-jeedin dalal kale uga timi, si ay Somaliland uga saftaan amma uga shaqeeyaan hagardaamadeena. Wakhtigeeda ayay soo bixi, laakiin xukuumaddeena ‘Waxbaa soo socda’, waxay u baahan tahay inay fahanto waxa soo socda, wax baa la socda!
Maxaa sii jooga?
Intaan la gaadhin labadaa isku sidkan ee waxa soo socda iyo waxa la socda, waxa jira wax sii jooga oo kala ah; sicir-barar, maceeshad qaali ah, bad xidhan, musuqmaasuq iyo dayac masuuliyadeed baahsan. Haddaba, waxa soo socda ee aqoonsiga ahi, waa oraydhe, waxa sii jooga maxaynu ka yeelnaa? Mise;
– Shidaal kacay, soo noqod ma leh!
– Sarrif kacay, xakame ma leh!
– Sawir la galay, sahay ma leh!
Ilaahay xaqa ha idin tuso!
Qoray Barkhad M.Kaariye



