Maxaa Keenay Jawaabta Cadhada ah ee Ina Kaahin?
W/Q: Cali Cabdi Coomay
Dhawr arrimood oo is-biirsaday ayaa cadhada ka keenay Kaahin.
Ololaha xooggan ee Muuse Biixi ku hayo xubnaha Kulmiye ee la safan Ina Kaahin. Labadii bilood ee u dambeeyey afar xubnood oo ahaa Kulmiyaha Kaahin ah ayaa u soo gacan galay Biixi. Qorshaha Biixi waa inuu Kulmiyaha Ina Kaahin diciifiyo, inta aan la gaadhin shirweynaha Xisbiga. Ka dib ergooyinka shirweynaha uu gacanta ku dhigo.
Taageerayaashii Kulmiye ee Habar Awal oo uu gacanta ku hayo weli Biixi. Waad ogeydeen soo dhaweyntii Madaarka, kuwii soo baxay.
Muuse Biixi oo dhinaca Habar Awal ka noqday hogaamiye Ruuxi ah, AAYATULLAH. waayo isaga oo xilkii ka degay ayuu weli gacanta ku hayaa taageerayaasha ugu badan.
Guddoomiye Kaahin oo aan haysan taageero Habar Jeclo, waayo Maxamuud Xaashi iyo Xirsi ayaa kaga taageero badan beeshiisa. Imikana wuxuu iska lumiyey taageeradii Habar Awal.
= Hadalkiisu lama socdo waaqaca uu kursiga ku fuuli lahaa, waayo wuxuu la dagaalamayaa ninkii deegaankiiisa codka uga keeni lahaa. Waxa loogu taag waayey Musharraxa qaado, oo guddoomiyaha ku wareeji deegaanka Xisbiga codkooda ku soo saaray.



