Maxay  ka wada heshiiyeen Madaxweyne Faraamo iyo Raysal,wasaare Rooble?

0
410

Muqdisho(B&R)-Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa heshiis ka gaaray khilaafkii u dhaxeeyay, sida uu shaaciyey xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka muuqda inuu tanaasulay ra’iisul wasaare Rooble, isaga oo ogolaaday in meesha laga saaro taliyihii hay’adda NISA ee uu magacaabay, oo aheyd xudunta khilaafka labada mas’uul.

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah in kiiska Ikraan Tahliil loo daayo hay’adaha cadaaladda, hase yeeshee waxaa hay’adda NISA baaqi kusii ah qaar ka mid ah dadkii kiiska lagu tuhmayey, taasi oo shaki gelineysa inay caddaalad heli karaan qoyskeedii.

1- Ayada oo la tixgilinayo dib udhaca kuyimid jadwalka doorashooyinka ayaa madaxda waxey isku raaceen in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka, waxeyna ugu baaqeen dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaliya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan kubilaabaan asbuucyada soo socda doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

2- In si dhaw ay u wada shaqeeyaan adkaynta amniga iyo xasilloonida guud ee dalka xilligan xaasaasiga ah ee dalku ku jiro doorashooyinka, Lana xoojiyo ladaagalanka argagaaxisa ee Alshabaab.