Madaxweynaha Jabuuti Geelle Oo kala hadlay hogaamiyaha khaatuma,SSC Firdhiye Maxaabiista laga qabsadey Ciidanka Somaliland Ee ku xidhan Laascaanood

0
131

Jabuuti,(Baraarugtv.com)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,ayaa wax ka waydiiyey hogaamiyaha khaatumo iyo SSC Firdhiye maxaabiista askarta ciidanka somaliland lagaga qabtay Goojacad iyo maraaga oo jahada dhanka bari kaga beegan magaalada Laascaanood.Balse madaxweyne Geelle ayaa aad ugu farxay jabka soo gaadhey ciidanka somaliland,sida dad ka agdhawaa goobta ay ku wada’hadlayeen firdhiye iyo ismaaciil Cumar Geelle oo aheyd xafiis ku dhex-yaal aqalka madaxtooyada jabuuti.

Geesta kale qoraal kooban,uuna bartiisa facebuug uu ku qoray nin lagu magacaabo Najiib Barkhadle oo xafiiska warbaahinta wakaalada Baraarugtv.com ka soo xigatey qoraalka lagu baahiyey baraha bulshada ee facebuug iyadoo lagu qorin teetalkiisa,laakiin magaca sheegtay innuu matelo maamulka khaatuma iuo SSC Najiib Barkhadle ayaa u dhignaa sidan÷”Arrimaha maxaabiistuna waa kiis caalami ah, annagana si gaar ah saameyn noogu leh, labo dhinac marka loo kala qaado, waxaa ku jira dad dambiilayaal ah oo waaweyn oo iyaga oo gacanta dambiga iyo dhiig kula jira la qabtay, dadkaas maxkamad uun bay sugayaan.’’ ayuu yidhi Najiib Barkhadle.

Emial÷caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com