
“Maanta Dagaal Adag Ayuu Ku Jiraa Madaxwaynihii Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.Taasoo….”Gudd. Cabdoo Axmed Aayir

Warbaahinta Baraarugnews -Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Somaliland Cabdoo Axmed Aayir,ayaa fariin u diray shacabka reer Somaliland.
“Halgankii qadhaadhaa Jiilal badan Ayaa u huray Naftooda n Ay u Dhintaan xoriyada iyo nabadgelyada Somaliland.
Maanta Ma Ka dhabayn-doonaan Himiladii muddada dheer ku naaloonayeen shacabku inay mar-qudha arkaan Somaliland oo ka mid ah Dawladdaha Adduunka La Siman jiilka iyo bulshada Somaliland inay keenaan guusha ictiraafka oo is barbartaagan Madaxwaynahooda Cabdiraxmaan Cirro.”Ayuu Yidhi Guddoomiyaha Cabdoo Axmed Aayir oo qoraalkan ugu soo diray iimeelka xafiiska wararka ee shabakada baraarugnews@gmail.com xafiiskeeda magaaladq Hargeysa.
Guddoomiye Cabdoo Aayir oo arrintaa ka sii hadlaaya,waxa uu yidhi. “Dhalinyarada Rag iyo Hablaba iyo guud ahaan Shacabka Reer Somaliland maanta ma xaqiijin doonaan guusha inta yar uga hadhay ee u soo mareen jidka dheeraa,rafaadka,daalka iyo diifta badan lahaa,siddii looga dhabayn lahaa.waxaan idinku baraarujin lahaa shacabkow in la is-barbar taago maanta dagaal adag ayuu ku jiraa madaxwaynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.taasoo guusha bilowgeedii hayno oo ah ictiraafkii ugu horeeyay aynu helnay Israa,iil.kuwii kalena iisha-alaah maalin ayeynu gaadhi doonaa.u samra,ha daalina. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo safaro shaqo oo ay ku tageen dalalka Maraykanka iyo Isu-taga Imaaraadka Carabta guulo waa wayn ayaa laga gaadhey.
Safarkii guusha ee Madaxweynuhu ku tegay dalka Maraykanka waxa uu qayb ka ahaa dedaallada ictiraaf raadinta ee uu Madaxweynuhu wado. Waana takeentay in Madaxweynaha Maraykanku uu si hordhac ah u aqoonsaday JSL, warqadda “Official” ah ee ictiraafkuna wey ku xigtaa insha Allaa. guul shacab wqynaha Jamhuuriyadq Somaliland.”
email baraarugnews@gmail.com caarshe7@hotmail xom


