DAWLADA SOOMAALIYA OO DHINACA HAWADA KAGA ADKAATAY SOMALILAND.

0
7

DAWLADA SOOMAALIYA OO DHINACA HAWADA KAGA ADKAATAY SOMALILAND.

Soomaaliya ayaa toddobaadkan gaadhey guul muhiim ah oo ah dhinaca duullimaayada hawada sare ka dib markii Maareeyaha Haayadda Duulista Hawada iyo Madaarada ee Soomaaliya Axmed Macallin uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya la soo wareegtay nidaamka AITA- BSP kaas oo ah nidaamka isku xidha shirdaha iibiya tigidhada diyaaradaha iyo diyaaradaha Caalamiga ah.

Nidaamkan oo markii hore ahaa mid jira oo ai madax bannaan looga goosan jirey waddamada Caalamka, haddase waxa la soo wareegtay dawladda Soomaaliya oo u dhaxaynaysa diyaaradaha tigidhada laga doonayo iyo shirkaddaha jara tigidhada Caalamiga ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka Hay’adda IATA ee Afrika iyo Bariga dhexe Kamil H Awadhi ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda oo Muqdisho ka dhacday.

Tusaale ahaan haddii aad u baahan tahay in aad u dhoofto dalka Ingiriiska, Travel agency tigidhka kuu jarayaa waxa uu ku khasban yahay in uu dhex maro nidaamka ay Soomaaliya gacanta hadda ku hayso AITA.

Muxuu dhibaato ku keeni karaan dadka reer Somaliland ?

Nidaamkani waa awood kale oo u soo korodhay dawladda Soomaaliya.

Waana tallaabadii labaad ee Soomaaliya hir geliso laba sano gudahood ka dib nidaamka Evisa oo ka dhan ah Somaliland.

Waxay tani saamayn ku yeelan doontaa dhammaanba qof kasta oo ka duulaya Somaliland madax iyo shiciba.

Qofka doonaya in uu baxo London ee ka safraya Hargeysa waxa uu ku khasbnaan doonaa in uu tigidhkiisa ka sugo dhinaca Muqdiso halkii uu markii hore si Caalami ah u goosan jirey.

Xafiisyada tigidhada jara ee ku yaalla gudaha Somaliland, dhammaantood waxa ay iska diwaan gelin doonaan nidaamka ay Soomaaliya gacanta ku hayso, waxana laga qaadi doonaa dhaqaale si toos ah ugu dhacaya Soomaaliya oo aanay Somaliland waxba ku lahayn.

Soomaaliya maaddama oo ay hadda hayso xogta qof kasta oo ka dhoofiyo Somaliland, waxa ay xaq u leedahay in ay ka joojin karto qofkii ay doonto ee reer Somaliland ah, kii ay doontana ay u sii deyn karto.

Ilaa hadda Wasaaradda Duulista iyo Madaarada Somaliland wax war ah kama soo saarin awooddan ay gacanta ku dhigtay Soomaaliya.

Ma jiro wax fal celin ah oo Xukuumaddu ka samaysay tallaabadan ay qaaddayso Soomaaliya.

Lama sheegin sida looga gudbayo culayskan dhinaca hawada ee mar kale ku soo kordhay dadka reer Somaliland oo muddooyinkan cabasho ka qabay arrinka Evisa ee Soomaaliya soo rogtay sannadkii hore.

Xukuumadda Somaliland waxa ay hore u sheegtay in ay ku guullaysatay xal u helista nidaamka E-visaha Soomaaliya balse taasi ma noqon mid run ah.

Wasiirka wasaarada Duulista Hawda iyo Madaarada Somaliland Fuaad Axmed Nuux kamuu jawaabin inay Soomaaliya guul ka gaadheen isla markaana dhanka Mugdisho laga maamulayo.

Dhanka kale Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland iyo Madaxweynaha Qaranka oo uu arintani dul hoganayso iyaguna wax jawaab ah kamay bixin.

XIGASHO Hassan Gallaydh