
Ma Waxuu Doonayaa Madaxweyne Xassan Sheekh Innuu Dilaalo Aqoonsiga Israa’iil Ee Somaliland,Mise Waa Ka Daacad Dagaalka Midnimadda Soomaaliya?
Ma Waxuu Doonayaa Madaxweyne Xassan Sheekh Innuu Dilaalo Aqoonsiga Israa’iil Ee Somaliland,Mise Waa Ka Daacad Dagaalka Midnimadda Soomaaliya?
Muqdisho,(RSI TV)-Dab xoogan oo kacay Dhawaaqii Dawladda Israa,iil ku aqoonsatey madax-bannaanida Somaliland,ayaa ummaddaha adduunka xiisad iyo muran xoog leh ka dhex-abuuray.
Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,ayaa maalmihii hore,sidduu uga hadli-jiray aqoonsiga dalka Israa,iil ay siisay Somaliland, qaabkii uu labadii maalmood ee ugu dambeeyay kaga Hadlayey Ictiraafka Somaliland,si ka duwan uga Hadley waraysigiisii ugu dambeeyay ee uu siiyey qaybta luuqada Afcarabiga ee Aljasiira.Isla markaana Xassan Sheekh ayaa sheegay inay Israel u aqoonsan tahey dawlad jirta oo xubin ka ah Qaramada Midoobay.
Madaxweyne Xasan wuxuu intaa sii raaciyey in aaney xidhiidh laheyn dawladdiisa Soomaaliya.Isagoo xusay inay doonayaan,haddii ay suurta gal tahay inay xidhiidh la sameeyaan Dawladda Israa,iil. muddooyinka soo socda ay Soomaaliya xidhiidh la samayso Israel.
Sidoo kale,Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa ku soo beegmaaya xalley shir wadda jir ah soo waddasaareen Madaxweynaha Turkiga,isagoo Xassan sheekh ku eeddeeyay israa,iil ku kacdey xad gudub ay ku samaysay Dhulkii xuduudka Soomaaliya ee aqoonsiga maddax-bannaanida Somaliland .Balse Waraysi gaar ah oo uu siiyey telifeeshanka Aljasiira Arab ayuu haddalkan u danbeeyay Xassan Sheekh ka sheegay,isagoo macno ahaan u dhacaayey codsi ah innuu doonayo xidhiidh iyo wada-hadal uu la yeesho Raysal,wasaaraha dawladda Israa,iil,Benjamin Netanyahu.
#RSI TV



