Israel,(RSI TV)-Qaarada Afrika,ayaa wajaheysa dagaal.
Wargeyska caanka ah ee Isra’el Hayom, ayaa daabacay in Geeska Afrika uu ka taagan yahay dagaal wakaaladeed ( Proxy war) u dhexeeya dhinacyada Turkiga iyo Isr’aa’ii’il oo ku wada loollamaya xeebaha badda cas.
Turkigu waxa uu si weyn u taageerayaa Soomaaliya, waxana u qorshaysan in gobolka Shabeellada dhexe uu ka sameeyo meel u ka tijaabiyo gantaalaha ridada dheer, isaga oo gacanta ku dhigay meelihii laga hagi jirey dhaqaalihii Soomaaliya sida dekedda Muqdisho, garoonka Aadan Cadde iyo Cisbitaallada Muqdisho.
Qoraalka waxa lagu sheegay in Turkigu aanu Soomaaliya u joogin si uu caawiyo ama uu ula dagaallamo kooxaha dalkaas ka dhisan, hase ahaatee uu u joogo in uu ka fushado danihiisa gaarka ah iyo in uu kula dagaallamo waddamada uu loollanku ka dhexeeyo sida Imaaraadka iyo Isra’a’ii’l.
Is’a’il oo la kulantay weeraro kaga yimi dhinaca dalka Yemen labadii sano ee u dambeeyey, waxa ay hadda isha ku haysaa dhaqaaqa uu Turkigu ka wado Soomaaliya, waxayna xoojisay xidhiidhka ay la leedahay Itoobiya oo ah dalka ugu xooggan geeska Afrika, halka ay doonayso in ay xidhiidh la yeelato Somaliland.
Shay Gal, oo ah khabiir ku takhsuusay siyaasadda Caalamiga ah, waxa uu soo jeediyey in Talbiib si toos ah xidhiidh ula yeelato Somaliland, oo loo arko halka keli ah ee lagaga hor tegi karo saamaynta sii kordhaysa ee Turkiga oo doonaya in uu noqdo awoodda ugu saamaynta badan Geeska Afrika. Talada khabiirku waa in si toos ah Isra’i’l xidhiidh ula samayso Somaliland, lagana faa’iidaysto goobta muhiimka ah ee saaran badda cas, loona maal gashado si la mid ah Taiwan iyo Imaaraadka Carabta oo labadooduba ku dhiirraday in ay wada shaqayn la yeeshaan Somaliland.
Isra’i’l waxa ay tuhunsan tahay in shaqada Soomaaliya Turkigu ka wadaa ay tahay mid ka madax bannaan NATO halisna ku ah danah reer Galbeedka, waxana arrimaha soo baxaya ka mid ah in aanu jirin Dayax gacmeed uu Turkigu ka dirayo Soomaaliya balse ujeeedadu tahay in si toos ah halkaas looga sameeyo tijaabada gantaalaha iyo hubka kale ee lagu sameeyo wershadaha ku yaalla dalka Turkiga.
Somaliland, oo ah goob hadda qayb ka noqonaysa loollanka Geeska ka taagan ayaa la sugayaa sida ay uga faa’iidaysto dhinacyada danaynaya iyo sida ay ugu dhex noolaan karto is diidooyinka shisheeye ee hadda soo baxaya.



