Xukuumadda JSL ayaa qasriga Madaxtooyada kulan kula yeelatay bahda Suugaanta iyo dhaqanka ee Somaliland.

Kulankaasi waxa ujeedadiisu ahayd isxaal waraysi guud oo la xidhiidha xaalada dalka, gaar ahaan arrimaha nabadgelyadda oo uu hormuud u yahay shirkii lagu soo afjaray colaaddii walaalaha gobalka Sanaag oo uu madaxweynuhu dadaal xooggan geliyey.
Sidoo kale Kulankan ayaa daarnaa in lagu muujiyo doorka bahda fanka iyo suugaantu ay ku leyihiin dhismaha iyo horumarka dalka, iyadoo kulanka lagu cadeeyey sida ay xukuumadu diyaarka ugu tahay in wada shaqayn dhow ay la yeelato guud ahaan bahda suugaanyahanka.



