Guddida Qandaraasyada Qaranka Oo Shaqo Balaadhan Ka Bilaabey Gobolada Bariga Somaliland Ee Sool Iyo Sanaag
Ceerigaabo(Warbaahinta Baraarugnews)-Wafti Uu Hogaaminayo Gudoomiye Ku-xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland,a, Mudane Ibrahim Ducaale Cawke,ayaa kulan la qaatay gudoomiyaha iyo Gudoomiye kuxigeenka gobolka sanaag iyo shaqaalaha ka hawl-gala Gobolka Sanaag iyo Sool,kuwaasoo kormeeray meelo kala duwan ee ha,yadaha dawladda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Kulankan Gudoomiye Ku-xigeenka waxa ku wehelinaaayay Xubnaha Guddida Qandaraasyada, agaasime Waaxeedyo Kala duwan iyo Shaqaalaha Xafiiska Guddida Qandaraasyada
Saraakiisha iyo waftigooda oo ugu horreyn kulan xog is wareysi ah la qaatay Gudoomiyaha Gobolka, Gudoomiye ku xigeenka, Maayir kuxigeenka Degmada Ceerigaabo ahna Kusimaha Maayirka iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sanaa
Saraakiisha Gudidda Qandaraasyada, Maamulka Gobolka iyo Kan degmada ayaa si wadajir ah kormeer ugu sameeyey Mashaariic kala duwan oo laga fuliyay Miisaaniyada Qaranka oo ka mid ah mashaariicda ka socota Gudaha Magaalada Ceerigaabo Iyo Nawaaxigeeda.⦿ Mashruuca Dib u dhiska Iskuulka Hoose dhexe ee Safa⦿ Mashruuca Qalabka Digital X-Rayga ee Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo
⦿ Mashruuca Dhismaha Xayndaabka Iskuulka Boodhinka ah Ee Dayaxa
⦿ Wakaalada Biyaha Degmada CeerigaaboDhammaan masuuliyiinta kala duwan ayaa gebogebadii kormeerka mashaariicda magaalada ayaa warbixin ku saabsan kormeerka iyo xogta uu daaran yahay ka siiyay Warbaahinta Qaranka.
Haddaba socdaalka Guddida qandaraasyada Somaliland,ayaa ku Soo Beegmaaya markii ugu horaysay oo wefti ka socda Madaxda Guddida Qadandaraasyada qaranka Somaliland tagaan Deegaanada iyo magaalooyinka kala duwan ee Gobolka Sanaag iyo Sool,isla markaana Guddoomiyaha Cabdoo Aayar ayaa tan iyo intii loo dhiibay xafiiska qandaraasyada qaranka ku hawlanaa horumarin weyn iyo dib-u-habeyn balaadhan oo istaraajiy siyaasadeed u dajiyey ha,yadda qandaraasyada qaranka.

Email caarshe7@Hotmail.combaraarugnews@gmail.com



