fududeynta wada-hadallada nabadda iyo abuuridda fagaarayaal jawi wada-hadal dib-u-heshiisiinta Bulshada Iyo Colaadaha Gobolada Jamhuuriyadda Somaliland

0
21

“Dedaalada Xukuumaddu Ugu Jirto Nabadynta, xallinta khilaafaadka Iyo Dib-u-heshiisiinta Bulshadeena, Gaar Ahaan Degaanada Ay Ka Jiraan Shaqaaqooyinku.

Hargeysa(Baraarugtv.com)-Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) (oo ay weheliyaan Wasiirka Madaxtooyada, Afhayeenka iyo Xoghayaha Madaxweynaha) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Guddida Nabadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu Madaxweynuhu dhawaan magacaabay.

Madaxweynuhu waxa uu Guddida Nabadda ee JSL u sheegay in
ujeedada iyaga loo aasaasay ay tahay in ay abuuraan jawi nabadayn ah oo ku saleysan wada-xaajood, isfaham, iyo ka qeyb-gal bulsho si Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland dhammaan Gobollada dalka uu u hanto nabad iyo xasillooni waarta.

Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha Guddida Nabadda u sheegay in ay leeyihiin Shaqsiyad Qaanuuni ah oo u xil saaran horumarinta nabadda, xasiloonida iyo ilaalinta midnimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha Guddida Nabadda u sheegay in samayntii Guddida Nabaddu ay yeelatay saamayn weyn oo heer Caalami ah, maadaama ay yihiin Odayaal Qaran oo magac iyo maamuusba ku leh bulshada Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu Guddida Nabadda u sheegay in ay yihiin kuwa laga sugayo in ay hormmood ka noqdaan dedaalada ay Xukuumadda JSL ugu jirto nabadynta, xallinta khilaafaadka iyo dib-u-heshiisiinta bulshadeena, gaar ahaan degaanada ay ka jiraan shaqaaqooyinku.

  1. Madaxweynuhu wuxuu Guddida Nabadda u sheegay in Xukuumadiisu arrin iyo adduunba aanay Guddida waxba ka hagran doonin si ay awood buuxda ugu yeeshaan fududeynta wada-hadallada nabadda iyo abuuridda fagaarayaal iyo jawi wada xaajood si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida bulshada loogana hortago khilaafyada iyo colaadaha deegaannada Jamhuuriyadda Somaliland;

Guddida Nabadda Jamhuuriyadda Somaliland iyaguna dhinacooda waxay Madaxweynaha uga xog warameen dedaalladii iyo tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay Guddi ahaan qaadeen si loo bilaabo gogol xaadhka wada-hadallada nabadda dhinacyada ay khusayso, gaar ahaan hoggaannada dhaqanka ka soo jeeda degaanada ay ka jiraan shaqaaqooyinku.

Guddida Nabadda JSL waxay Madaxweynaha u xaqiijiyeen in ay Guddi ahaan sii labanlaabi doonaan gudashada xilka culus ee uu Madaxweynuhu u igmadey, gaar ahaan qabashada, fududeynta iyo ka-midho-dhalinta shirarka nabadaynta iyo wada xaajooodyada bulshooyinka ay colaaduhu saameeyeen.