- Fasaxii Dawladdu Ma Joojin Karo Imtixaanka Shahaadiga Ah, Ayuu Yidhi Guddoomiyaha Imtixaannaadku.
Baraarugtv.com-Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka Oo Caddeeyey In Imtixaanka Shahaadiga Ah Uu Soconayo, Kana Reebay Fasaxa Shaqaalaha Dawladda
Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka JSL, Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay in imtixaanka shahaadiga ahi aanu saamayn ku yeelan doonin fasaxa ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ku dhawaaqday, isaga oo caddeeyey in imtixaanku ku qabsoomi doono wakhtigii loo asteeyeyWaxa uu xusay in hawlaha imtixaanka shahaadiga ahi ay yihiin waajibaad qaran oo gaar ah, isla markaana aanay hoos imanayn fasaxa guud ee shaqaalaha dawladda, sidaas darteedna ardaydu ay imtixaanka geli doonaan maalintii iyo saacaddii hore loo qorsheeyey.“Imtixaanka shahaadiga ahi kama baydhayo muddadii loo asteeyey,” ayuu yidhi Guddoomiyaha imtixaanadka Daa,uud Gadhwayne


