“Somaliland Waxey Wajaheysaa Duufaano, Colaad, Hubanti La’aan siyaasadeed. Sidaa…”

0
35
Awoodda Dawladaha Muslimka Ah Iran, Pakistan, Turkiga, Masar Iyo Sucuudiga &Somaliland Waxey Wajaheysaa Duufaano, Colaad, Hubanti La’aan siyaasadeed. Sidaa..."
Awoodda Dawladaha Muslimka Ah Iran, Pakistan, Turkiga, Masar Iyo Sucuudiga &Somaliland Waxey Wajaheysaa Duufaano, Colaad, Hubanti La’aan siyaasadeed. Sidaa..."

#”Awoodda Dawladaha Muslimka Ah Iran, Pakistan, Turkiga, Masar Iyo Sucuudiga &Somaliland Waxey Wajaheysaa Duufaano, Colaad, Hubanti La’aan siyaasadeed. Sidaa…”

Awoodda Dawladaha Muslimka Ah Iran, Pakistan, Turkiga, Masar Iyo Sucuudiga &Somaliland Waxey Wajaheysaa Duufaano, Colaad, Hubanti La’aan siyaasadeed. Sidaa..."
Awoodda Dawladaha Muslimka Ah Iran, Pakistan, Turkiga, Masar Iyo Sucuudiga &Somaliland Waxey Wajaheysaa Duufaano, Colaad, Hubanti La’aan siyaasadeed. Sidaa…”

RSI TV-“Wax San halkan hambalyo uga dirayaa dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku kala sugan gudaha dalka iyo dibaddaba, munaasabadda 26-kii June 1960-kii oo ah Sannad guuradii 66-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay Jamhuuriyadda Somaliland ka xorowday isticmaarkii Boqortooyada Ingiriiska, isla markaana ay noqotay dalkii ugu horreeyey ee shanta Soomaaliyeed ka mid ah ee helay madaxbannaani iyo aqoonsi caalami ah. Il-duufkii siyaasadeed ee aynu galnay 1-dii July 1960-kii wuxuu innogu filan yahay cashar siyaasadeed oo lama ilaawaan ah.
Maanta dunidu waxay wajahaysaa isbeddello iyo duufaano siyaasadeed. Colaadda Bariga Dhexe oo Saamaynteeda tabani ay soo-gaadhay geeska afrika. Natiijada ka soo baxaysa wada-hadallada u dhexeeya Iran iyo Maraykanka waxa la saadaalinayaa inay wax ka beddeli karto qaab-dhismeedka siyaasadeed ee dunida mid amni iyo mid dhaqaaleba, gaar ahaan Bariga Dhexe iyo Geeska Afrikaba.
Waxa muuqata saamaynta awoodda dawladaha Muslimka ah ee kala ah Iran, Pakistan, Turkiga, Masar iyo sucuudiga, Waxaana suurta gal ah in dawladahani sidii hore iskaga soo dhawaadaan, sababta oo ah is-maan-dhaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya hoggaanka Maraykanka iyo Israa’iil, oo aan la dhayalsan karin, raadkiisana yeelan doonaa.
Sida darteed, waxa lagama maarmaan ah in si qoto dheer loo lafo-guro culayska iyo natiijada ka soo baxaysa heshiisyada iyo isbeddellada socda, si looga fogaado hubanti la’aan siyaasadeed. Sidaas awgeed, waxa la gudboon Dawladda, gaar ahaan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, inay si xeeldheer u daraasadayso saamaynta ka dhalan karta isbeddelladan caalamiga ah, si looga baaqsado il-duuf siyaasadeed oo wax u dhimi kara danaha Qaranka. Waxa kale oo muhiim ah in tallaabooyinka aynu hore u qaadnay iyo kuwa ina horyaalla la is waafajiyo, iyadoo lagu salaynayo danta Qaranka.
Alle SWT ha ina waafajiyo talada if iyo aakhiroba inoo wanaagsan, Allehna aynu talo saarano.”Ayuu yidhi Madaxweynihii hore Muuse Biixi Cabdi oo qoraalkan Soo saarey ayaa walaac ka muujiyey dhuumashada Cabdiraxmaan Cirro iyo jeshiisyada qarsoodiga ah ee Israa,iil.
#RSI TV