#Dhismaha Nidaam Qandaraas oo Daahfuran #Doorka Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL

Warbaahinta Baraarugnews- Horumarka dawladnimada, tayada maamulka hantida qaranka iyo kalsoonida bulshada ee hay’adaha dawladeed waxay si weyn ugu xidhan yihiin hufnaanta, daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha loo igmaday ilaalinta hantida ummadda. Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland waa hay’ad muhiim ah oo door mug leh ku leh xaqiijinta in qandaraasyada dawladu u dhacaan si caddaalad ah, daahfuran, tartan xor ah iyo hannaan waafaqsan shuruucda dalka.
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL, Mudane Cabdoo Axmed Aayer, ayaa muujiyey hoggaan iyo masuuliyad ka tarjumaya muhiimadda ay leedahay horumarinta nidaamka qandaraasyada qaranka. Tallaabooyinka maamul iyo qorshayaasha uu hoggaamiyey waxay muujinayaan dadaalka lagu xoojinayo hufnaanta, daahfurnaanta iyo tayada maamulka mashaariicda laga maalgeliyo miisaaniyadda qaranka.
Mid ka mid ah tallaabooyinka mudan in la xuso waa dadaallada maamul-daadejinta iyo qorshayaasha lagu gaadhsiinayo nidaamka qandaraasyada qaranka gobollada dalka. Tani waxay fursad u abuuraysaa in nidaamka qandaraasyadu noqdo mid si dhow ula jaanqaada baahiyaha gobollada, isla markaana ay hay’adaha iyo daneeyayaasha kala duwan si wanaagsan ula falgalaan Guddida.
Sidoo kale, muddadii uu xilka hayey, waxa la sameeyey kormeerro iyo qiimayn lagu sameeyey mashaariicda qandaraasyada qaranka ee ka socda gobollada dalka. Kormeerradani waxay muhiim u yihiin la socodka habsami-u-socodka mashaariicda, qiimaynta fulintooda iyo hubinta in hawlaha socda ay waafaqsan yihiin qorshayaashii loo dejiyey.
Arrintani waxay muujinaysaa muhiimadda isku xidhka maamulka, kormeerka iyo qiimaynta, kuwaas oo laf-dhabar u ah xaqiijinta tayada mashaariicda qaranka iyo ilaalinta hantida ummadda.
Masuuliyadda Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranku ma aha oo keliya maaraynta hawlaha maalinlaha ah ee hay’adda, balse waxa saldhig u ah dhismaha nidaam qandaraas oo ku shaqeeya sharci, caddaalad iyo sinnaan. Sidaa darteed Guddoomiye Cabdoo Axmed Aayer waxa uu xoojiyay daahfurnaanta tartanka, yaraynta caqabadaha hortaagan shirkadaha iyo ganacsatada, isla markaana waxaa si cad loo xaqiijiyay in hantida qaranku ku baxdo habraacyo sharciyeysan oo lala xisaabtami karo.
Sidaas darteed, casriyeynta habraacyada shaqada, kor u qaadista wacyiga hay’adaha dawladda iyo ganacsatada, iyo fududaynta helitaanka xogta qandaraasyadu waa mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee ay hirgeliyeen guddida qandaraasyada qaranka Somaliland, taas oo ah arrin mudan in la xuso oo leh mudnaan gaar ah. Waana tallaabooyin gacan ka geysan kara dhismaha nidaam casri ah oo bulshada iyo daneeyayaasha kala duwani ku qabaan kalsooni.
Waxqabadka Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL, Mudane Cabdoo Axmed Aayer, waxa mudan in lagu qiimeeyo dadaallada uu ku horumarinayo hay’adda, tallaabooyinka maamul ee uu qaaday iyo raadadka ay ku yeeshaan tayada iyo hufnaanta nidaamka qandaraasyada qaranka. Ugu dambayn, hufnaantu ma aha hal-ku-dheg la yidhaahdo oo keliya, ee waa mabda’a lagu ilaaliyo hantida ummadda, lagu dhiso kalsoonida bulshada, laguna xaqiijiyo dawladnimo tayo leh.
Dhinaca kale, guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka JSL, Cabdoow Axmed Aayar, ayaa sheegay inay diyaariyeen qorshe cad oo dhigaya in dhamaan mashaariicaha laga bixinayo gobolada in lagu bixiyo degmooyinka caasimada ah, taas oo ah maamul daadajin uu amray Madaxwaynaha JSL. Guddoomiyaha ayaa sheegay in gobolkii ugu horeeyey ee qandaraas mashruuc lagu bixiyo gudaha gobolka uu noqday gobolka Togdheer, kaas oo salka ku haya dhismaha Biriijka Burco, isaga oo caddeeyey in talaabadaas ay dhaqaale badan kusoo celinayso gobolka.
“Qorshaha aan dhiganay ayaa ah mashaarciida laga bixinayo gobolada inaanu meesha lafteeda ku bixino oo aanu deegaan ka dhigno, ttaasina waa maamuul daadajinta uu Madaxwaynuhu hormuudka noogu yahay ee uu doonayo in cid walba dowladda ah ay maamul daadajin samayso. Gobolka Togdheer na waxa uu noqonayaa gobolkii ugu horeeyey ee qandaraas lagu bixiyo, taasina waxay suurtogalinaysaa in dad badan inay gobolada yimaadaan oo dhaqaale ku celiyaan.” Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka JSL, Cabdoow Axmed Aayar.
Xigasho Qore Axmed M.Saleebaan Tafiftiraha Wargeyska Dawan



