Ceeb Iyo Fadeexad Hadheysay Maanta Dalalka Khaliijka Carabta

0
26

# Imaaraadka Carabta ayaa ku faanay inay guulaysteen sida uu sheegay La taliyaha madaxweynaha Imaaraadka Anwar Gargash oo ku nuux-nuuxsaday, in waddankiisu uu “guuleystay”, ka dib markii uu la kulmay weeraro joogto ah oo kaga imanayey Iiraan tan iyo markii dagaalku bilaabmay.

“Waxaan ku guuleysanay difaac qaran oo heer sare ah kaas oo ilaaliyay madaxbannaanida iyo sharafta isla markaana ilaalinayay guulaha aan ka gaadhnay gardarradii khiyaanada lahayd,” ayuu yidhi Anwar Gargash.

Anwar Gargash ayaa intaa ku daray “Maanta, waxaan u jiheysaneynaa sidii aan u maareyn lahayn Gobol leh awood dheeraad ah, aragti cad, iyo awood aad u adag oo lagu saameyn karo laguna qaabeyn karo mustaqbalka”.
Sidoo kale Wasaaradda difaaca ee Imaaraadka ayaa si joogto ah u soo gudbin jirtay wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsanaa wararka weerarada iyo gantaalaha la qabto tan iyo markii uu dagaalku billowday.
#Warbaahinta Baraarugnews