Bal Akhri Warmurtiyeedkoodii:-Xildhimaanadii ka Soo Jeeday Somaliland

0
48

Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland ee ku jira Barlamaanka Soomaaliya ayaa gabi ahaanba ka gaabsaday inay cambaareeyaan aqoonsiga Somaliland ka heshay dawladda Israa,iil.

Xildhibaanada oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag ula hadlay dowladda Federalka Soomaaliya, iyagoo marna soo hadal qaadin inay diidan yihiin ama kasoo horjeedaan aqoonsiga SL.

Qodobadaan ayey soo saareen goordhoweyd.

1- Waxaan cadeynaynaa in aan Muqdisho u joogno Midnimo, waxaan aaminsanahay in dantu ku jirto wadajirka ummadda.

2- Dawladdii Soomaaliyeed 1dii July 1960-kii waxay ka dhalatay labo dawladood “Somaliland & Somalia”, waa in lagu laabtaa heshiiskaas dibna loo qeexaa isla jidkaas.

3- Si aanay u gaarin dhibaato aan la mahdin doonin wadajirka, waxaan labada dhinac ugu baaqaynaa Somaliland & Soomaaliya gaar ahaana madaxda hoggaanka in la joojiyo hadalada naceybka ah ee sii kala irdhaynaya bulshada.

4- Marnaba uma aragno gar iyo daw in la inkiro xaqqa dadka Soomaaliland ay leeyihiin iyo Dhibkii loogu geystay magaca dawladnimada Soomaaliya oo macruuf ah.

5- Argagixisada caalamiga ah waxay khatarta ku hayaan waa in laga fogaado in la diimeeyo Khilaafkaadkja siyaasiga ah ee Soomaalida u dhaxeeya, si looga fogaado oo ay adkaan in xal loo helo.

6- Dawladda Faderaalka waa in ay ka baaqsataa talaabooyin tabanaya dhaqaalaha, amniga & socodka dadka Somaliland jooga, maadaama aan xoog lagu qasbi karin Midnimo.

7- Dawladda Somaliland waxaan ugu baaqaynaa in ay kusoo laabato miiska wada xaajoodyada si xal waara looga gaaro khilaafka jira.

baraarugnews@gmail.com

Caarshe7@hotmail.com