Baraarugtv.com+Shirkaddii soo saartay gaaska dabiiciga DDS ayaa magdhow Dalbatay, gaaska dabiicigu malaha suq..
Gaaska dabiiciga ahi ma aha shidaalka baabuurta caadiga ah, baabuurta dalka laga isticmaalo kuma shaqeeyan gaaska.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa maanta khudbad uu ka jeediyey kalfadhiga Golaha Wakiillada Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya kaga hadlay gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaro Deegaanka Soomaalida, isaga oo sharraxaad ka bixiyey sababta aan gaaskaasi weli si buuxda suuqa gudaha loogu isticmaalin.
Abiy Axmed ayaa sheegay in gaaska dabiiciga ahi aanu la mid ahayn shidaalka caadiga ah ee baabuurta lagu shubo, isla markaana uu u baahan yahay gaadiid gaar ah oo lagu qaado, kaabayaal lagu kaydiyo iyo kaalmooyin loogu talagalay qaybintiisa. Waxa uu xusay in dowladda Itoobiya ay gaadiidkii gaarka ahaa keentay, isla markaana ay ka dhistay xarumo gaaska lagu kaydiyo laguna qaybiyo magaalooyinka Addis Ababa, Diridhaba iyo Adama.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tilmaamay in gaaska dabiiciga ah loo baahan yahay in loo sameeyo suuq iyo nidaam adeegsi oo u gaar ah, taasina ay qaadanayso waqti. Waxa uu intaas ku daray in warshado ku yaalla Debre Birhan iyo meelo kale ay isticmaalaan shidaal, isla markaana xal loogu raadinayo sidii qaar ka mid ah gaadiidka iyo warshadaha loogu beddeli lahaa kuwo ku shaqeeya gaaska dabiiciga ah.
Abiy Axmed ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan la diyaariyey 25 bas oo gaaska dabiiciga ah ku shaqeeya, isaga oo tusaale u soo qaatay in haddii magaalada Addis Ababa la keeno 1,000 bas oo noocaas ah ay dabooli karaan boqolkiiba 50 baahida gaadiidka dadweynaha ee magaalada. Waxa uu xusay in la bilaabayo wejiga labaad ee qorshahaas.
Waxaa xusid mudan in labadii toddobaad ee u dambeeyey uu dood xooggan ka taagnaa gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaro Deegaanka Soomaalida, iyadoo dad kala duwan ay su’aalo ka keeneen halka uu ku dambaynayo gaaskaasi iyo sababta aan weli looga hirgelin suuq iyo adeegsi ballaadhan gudaha Itoobiya. Qaar ka mid ah dadka arrintan ka hadlayey ayaa dowladda Itoobiya ku eedeeyey in aanay si caddaalad ah uga faa’iidaysan khayraadka dabiiciga ah ee Deegaanka Soomaalida.
Hase yeeshee, hadalka maanta ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxa uu xoogga saaray dhinaca farsamada, gaadiidka, kaabayaasha iyo diyaarinta suuq loogu talagalay gaaska dabiiciga ah. Waxa uu sharraxay in gaasku aanu ahayn shidaalka caadiga ah ee baabuurta dalka laga isticmaalo, balse uu u baahan yahay gaadiid iyo qalab u gaar ah si loo kaydiyo, loo qaado, loona qaybiyo.
Hadalka Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu dib u soo celinayaa doodda ku saabsan mustaqbalka gaaska dabiiciga ah ee Deegaanka Soomaalida, gaar ahaan sida khayraadkan loogu beddeli karo faa’iido dhaqaale oo muuqata, looguna abuuri karo suuq gudaha ah oo ka qayb qaata horumarinta warshadaha, gaadiidka iyo dhaqaalaha dalka.


