Dawladda Itoobiya Oo Ku Garaacdey Duqaymo Ciidamadda Dawladda Eritrea &Eritrea Oo Ku Eedaysay Itoobiya Doonayso Inay Qabsato Dekeddaha Badda Cas

0
33

#Dawladda Itoobiya Oo Ku Garaacdey Duqaymo Ciidamadda Dawladda Eritrea &Eritrea Oo Ku Eedaysay Itoobiya Doonayso Inay Qabsato Dekeddaha Badda Cas

RSI TV-Shabakada Warbaahinta Rueters ayaa sheegtay in laba cisho oo is xiga duqaymo lalla beegsaday Ciidamadii Eritrea ee waqooyiga soo galay. Arrintan ayaa keentay in dib u gurtaan. Sawirada gaadidka la duqeeyay faalloyinka ka eeg.

TPLF, oo 6 maalin kadib war-saxaafaded soo saartay ayaa sheegtay in dib u qaadayso Duullan ballaadhan oo ay isku diyaarinayeen wakhti.

Hadalkooda ayaa imanaya xili badi magaalooyinka Tigreega ay qabsatay Dowlada Raysal’wasaare Abiy Ahmed ee Itoobiya.

Milatariga Itoobiya ayaa gaadhay xuduudka Eritrea meel 20KM kaliya u jirta. Dhinac Adigrat ayay ku socdaan, dhanka kale Axum ayay ciidamo ku sii siqayaan.

Ciidamada Dowladd dhexe taabacsan ee Tigreega ayaa sheegay in Magaaloyinka la xorreeyay ay ka wadaan nadiifinta Unugyo Seel ahaa. Shire ayay sheegen in ay ku qabteen 20 qof oo Eritrea sirdoon u ahaa.Dhinaca kale, Eritrea oo Qaramada Midoobay warqad u dirtay ayaa sheegtay in Itoobiya dagaalkan ku socoto dhulkooda, waxay dib u soo qaaten khudbad Abiye Ahmed, ku sheegi jiray in wada hadal ama xoog ku qabsan doonan dekad biyaha bada Cas.