Xuutiyiinta Yemen oo hadlay ayaa Sucuudiga ku eedeeyay iney doonayaan iney qabsadaan Yemen

0
3

baraarugtv.com-Hogaamiyaha kooxda Xuutiyiinta Yemen oo hadlay ayaa Sucuudiga ku eedeeyay iney doonayaan iney qabsadaan Yemen isla markaana ay adoonsadaan dadka Yemen, wuxuuna sheegay in dadka Yemen ay u difaacayaan xoriyadooda.Sidoo kale, Hogaamiyaha Xu/tiyiinta ayaa Mareykanka, ISRL iyo Ingiriiska ku eedeeyay iney doonayaan iney awood ku yeeshaan dalka Yemen, wuxuuna ku andacooday in Boqortooyada Sucuudigu uu dalalkaas wakiil uga tahay Yemen isla markaana ay Boqortooyada u adeegayso danaha dalalkaas.