Red Sea Post-Sida uu qoray Wargeyska Haaretz, ayaa sheegay in shir qarsoodi ah oo lagu qabtay magaalada Dubai ay ka qaybgaleen Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wakiillo ka socday 10 dal oo kale, iyada kulanka lagu soo bandhigay qorsheyaal ku saabsan amniga, tamarta iyo iskaashiga dhaqaale ee gobolka.
Xogtan uu qoray Haaretz, waxa lagu xusay in dhinacyadii kulanka ka qaybgalay ka wada hadleen marin shidaal oo isku xidha Khaliijka iyo Badda Mediterranean-ka, kaas oo la qorsheeyey inuu maro magaalada Eilat ee Israa’iil.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in kulanka lagu soo qaaday qorshe ku saabsan saldhigyo ciidan oo wadajir ah oo laga sameeyo jasiiradda Socotra iyo Somaliland, iyada oo aan la shaacin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan goobaha ama qaabka loo fulinayo qorshaha.Qodob kale oo lagu sheegay kulanka ayaa ahaa taageero dhaqaale oo la siiyo Masar, si wax looga qabto khasaaraha dhaqaale ee ka dhasha hoos u dhaca dakhliga Kanaalka Suweys.Haaretz waxay intaa ku dartay in shirkan lagu diyaariyey dukumenti qarsoodi ah oo loogu talagalay inuu noqdo saldhigga waxa loo bixiyey “Abraham Alliance”, oo loo qorsheeyey inuu noqdo isbahaysi amni oo Bariga Dhexe ah, loona barbar dhigay qaabka ay u dhisan tahay NATO.



