Jamhuuriyadda Somaliland ayaa toddobaadkan magaalada Washington ka wadday dedaal diblomaasiyaddeed oo cusub oo ay Maraykanka kaga dalbanayso aqoonsi rasmi ah, iyadoo awooda saaraysa muhiimaddeeda istiraatiijiyadeed ee Gacanka Cadmeed iyo doorka ay ka qaadan karto sugidda amniga Badda Cas.
Wargeyska POLITICO ayaa warbixin dheer oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ku sheegay in Somaliland Maraykanka u gudbinayso dood cusub oo ku saabsan muhiimaddeeda amni iyo doorka ay ka qaadan karto xaaladaha gobolka, gaar ahaan khataraha ka imanaya Yemen ee saameeyay isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa sheegay in xiisadaha Bariga Dhexe ay kordhiyeen muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Somaliland, gaar ahaan dekedaheeda ku yaalla Gacanka Cadmeed, isaga oo xusay in yoolka ugu dambeeya ee Somaliland yahay aqoonsi dal madax-bannaan iyo xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga Maraykanka.
Sida POLITICO sheegtay, Madaxweyne Cirro ayaa Washington kulamo kula yeelanaya xubno muhiim ah oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka, oo ay ka mid yihiin Senator Ted Cruz iyo Brian Mast, iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Difaaca.
Warbixintu waxay xustay in doodda Somaliland ay hadda xoogga saarayso dhinaca amniga, iyadoo muhiimaddeeda lagu salaynayo xasilloonideeda, dekedda Berbera iyo xidhiidhka ay la leedahay dalalka reer Galbeedka, Israel iyo Taiwan.



