Safarka Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro Washington &Waraysiga Cabsida Maamulka Muqdisho

RSI TV-Safarka la qorsheeyey in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, uu ku tago Washington wuxuu Muqdisho ku abuuray walaac iyo cabsi aanay madaxdeedu qarin karin.
Wareysigii uu Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, siiyey wargeyska Al Sharq ee ka soo baxa Qatar iyo hadalkii ka horreeyey ee Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda, Cali Balcad, waxay si cad u muujiyeen baaxadda saska iyo baqdinta ay Soomaaliya ka qaaday dhaqdhaqaaqa diblomaasiyadeed ee Somaliland.
Hadalladoodu waxay hadda u egyihiin muusannow iyo baryo loo jeedinayo dalalka Carabta, kaddib markii doodahoodii hore, cadaadiskoodii iyo isku daygoodii ay ku hor istaagayeen Somaliland ay meel gaadhi waayeen. Waxay ka tarjumayaan quus ka dhalatay xaqiiqada ah in qaddiyadda Somaliland ay gaadhay marxalad cusub oo aan lagu joojin karin hadallo, cabasho iyo olole diblomaasiyadeed oo duugoobay.
Muqdisho waxay hadda dareemaysaa in albaabadii caalamku u furmayaan Somaliland, isla markaana Washington ay dhegaysanayso xaqiiqada taariikheed, dimuqraadiyadda, xasilloonida iyo muhiimadda istaraatiijiga ah ee Somaliland.
Somaliland cidna xaqeeda kama baryeyso, dal cusubna ma aha. Waxay dib u raadinaysaa madaxbannaanidii ay lahayd 26-kii Juun 1960, ka hor midowgii fashilmay. Muddo 35 sano ah waxay qaddiyaddeeda ku raadinaysay nabad, qancin, dulqaad iyo diblomaasiyad bisil.
Maanta dadaalkaasi wuxuu marayaa xilligii midhihiisa la goosan lahaa. Somaliland ugu dambayn waxay helaysaa xaqii ay lahayd, kuna raadinaysay qancin iyo diblomaasiyad muddo 35 sano ah.



