Qorshe Taariikhi ah:-Maxaad Ka Taqaan Prof. Eid Ali Ahmed Nidaamkii Uu Dejiyey Horumarinta Baanka Somaliland Iyo Hay’addaha Maaliyadda Dalka?

0
48

Qorshe Taariikhi ah:-Maxaad Ka Taqaan Prof. Eid Ali Ahmed Nidaamkii Dejinta Horumarinta Baanka Somaliland Iyo Hay’addaha Maaliyadda Dalka?

Baraarugtv.com-Taariikhda horumarka hay’adaha maaliyadeed iyo qorshaynta istaraatiijiyadeed ee Somaliland waxa ku suntan aqoonyahanno iyo khubaro door muuqda ka qaatay dhismaha hay’adaha, tayaynta maamulka iyo dejinta jihada mustaqbalka. Waxaa ka mid ah Prof. Eid Ali Ahmed, oo aqoontiisa, waayo-aragnimadiisa iyo khibraddiisa xirfadeed si mutadawacnimo ah ugu adeegay horumarinta hay’adaha qaranka, gaar ahaan dhinacyada bangiyada, maamulka, qorshaynta istaraatiijiyadeed iyo horumarinta awoodda hay’adaha dawliga ah.
Mid ka mid ah waxqabadkiisa ugu mudan in lagu xuso taariikhda Somaliland waa kaalintii uu ka qaatay diyaarinta iyo dejinta Qorshaha Istaraatiijiyadeed ee Baanka Somaliland 2018–2022, kaas oo lagu tilmaamay qorshihii istaraatiijiyadeed ee ugu horreeyay ee Baanku yeesho. Qorshahani waxa uu noqday tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo hannaanka qorshaynta, maamulka iyo jihaynta hawlaha Baanka. Prof. Eid waa khabiir isku-darka aqoonta jaamacadeed, waayo-aragnimada bangiyada caalamiga ah iyo khibradda uu u leeyahay maamulka iyo horumarinta hay’adaha.
Qorshahan dejinta Istaraatiijiyadda Baanka Dhexe ee Somaliland waxaa sidoo kale barbar socday qorshe ballaadhan oo Professor Eid ku tababaray 17 agaasime oo ka tirsan Baanka Dhexe si ay qayb uga noqdaan hirgelinta iyo fulinta qorshahan oo dejiyey jihada, himilada iyo yoolalka Baanka muddo shan sano ah, isaga oo xoogga saaray xasilloonida lacagta iyo maaliyadda, horumarinta nidaamka maaliyadeed iyo kobaca dhaqaale ee waara. Waxa kale oo uu hiigsanayey in Baanka Somaliland loo horumariyo Bangi Dhexe oo casri ah oo hufan. Munaasibaddii daah-furka, Prof. Eid waxa uu carrabka ku adkeeyey in xasilloonida lacagta iyo maaliyaddu muhiim yihiin, balse ay u baahan yihiin in lagu daro dib-u-habayn dhaqaale, kala-duwanaanshaha dhaqaalaha, shaqo-abuurka, yaraynta faqriga iyo koboc dhaqaale oo waara.
Himilada Prof: Eid ee Casriyeynta Baanka Somaliland
Mid ka mid ah himilooyinka qorshuhu waxa uu ahaa in Baanka Somaliland loo horumariyo Bangi Dhexe oo casri ah, iyadoo la xoojinayo maamulka, shaqaalaha, tiknoolajiyadda, nidaamka lacag-bixinta, isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta. Prof. Eid kuma koobnaan diyaarinta qorshaha oo keliya, balse waxa uu sidoo kale tababar iyo wacyigelin siiyey maamulayaasha sare iyo shaqaalaha Baanka. Tababarkan oo ay ka faa’iidaysteen 17 agaasime. Waxa uu isku daray qorshayn, talo-bixin, tababar iyo dhisidda awoodda hay’adeed, taas oo ka dhigtay kaalintiisa mid ka ballaadhan diyaarinta qorshe istaraatiijiyadeed.
Prof. Eid waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay Mohamed Abdi Ibrahim, Guddoomiyihii Baanka iyo Cumar Moxamed Yusuf Booh (AHN) oo ahaa Guddoomiye-ku-xigeenkii xiligaas, iyo Cabdillaahi Xasan Aadan isla markaan ahaa Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe xiligii la dejinayay Istaariijiyadda Baanka imikana ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JS isaga oo Prof Eid xusay kaalintii muhiimka ahayd ee ay ka qaateen hirgelinta iyo fududaynta qorshahan horumarineed.
Aqoonsigii iyo mahadnaqa Bangiga Dhexe
Kaalinta Prof. Eid waxa si rasmi ah u aqoonsaday Bangiga Dhexe ee Somaliland. 1-dii November 2017, waxaa Prof. Eid la guddoonsiiyay shahaado mahadnaq ah oo lagu muujiyay qaddarinta kaalintii uu ka qaatay diyaarinta Qorshaha Istaraatiijiyadeed ee ugu horreeyay ee Baanka, 2018–2022. Shahaadadaas oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyihii Baanka Dhexe ee Somaliland, Maxamed Cabdi Ibraahim, waxay noqotay dukumenti taariikhi ah oo xusuus u ah waxqabadka Prof. Eid.
Prof Eid: Aqoonyahan isku daray aqoon iyo waxqabad
Prof. Eid Ali Ahmed waxa uu aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa caalamiga ah ugu beddelay adeeg iyo waxqabad hay’adeed oo uu ugu adeegay Somaliland, gaar ahaan dhinacyada bangiyada, maamulka iyo qorshaynta istaraatiijiyadeed. Sidaa darteed Prof. Eid Ali Ahmed waxa lagu tilmaami karaa aqoonyahan aan ku koobnayn waxbarista fasalka iyo cilmi-baadhista, balse aqoontiisa u beddelay adeeg iyo waxqabad bulsho iyo qaran. Khibraddiisa dhinacyada bangiyada, maamulka, horumarinta hay’adaha, qorshaynta istaraatiijiyadeed iyo cilmi-baadhistu waxay siisay awood uu ku fahmo caqabadaha hay’adaha, isla markaana uga shaqeeyo xalal ku salaysan qorshe iyo aragti fog. Waxa kale oo xusid mudan in uu waayo-aragnimadiisa caalamiga ah dib ugu soo celiyay Somaliland, isla markaana uu si mutadawacnimo ah uga faa’iideeyo dalkiisa hooyo.
Cabdixakiin Maxamed Ismaaciil oo ka socday Dahabshiil International Bank ayaa si weyn u bogaadiyey dejinta iyo hirgelinta Istaraatiijiyadda Baanka Dhexe, isaga oo si gaar ah u ammaanay Prof. Eid. Waxa uu sheegay in qorshuhu muhiim u yahay xoojinta Baanka Dhexe, horumarinta baananka gaarka loo leeyahay iyo kobaca guud ee nidaamka maaliyadeed, maadaama Baanka Dhexe uu laf-dhabar u yahay hagidda dhaqaalaha iyo fayo-qabka maaliyadeed ee dalka.
Maxamed Ibraahin oo ka socday Baanka Daara-salaam ayaa si weyn u bogaadiyey Qorshaha Istaraatiijiyadeed ee Baanka Dhexe, isaga oo si gaar ah u ammaanay Prof. Eid Ali Ahmed. Waxa uu sheegay in qorshuhu xoojinayo awoodda Baanka Dhexe, nidaaminta baananka gaarka loo leeyahay iyo tababarka shaqaalaha, isla markaana uu daboolayo baahiyo badan oo ay muddo dheer tabayeen bangiyada gaarka loo leeyahay.
Liibaan Ismaaciil oo ka socday Premier Bank ayaa isaguna si weyn u bogaadiyey Qorshaha Istaraatiijiyadeed ee Baanka Dhexe, isaga oo si gaar ah u ammaanay Prof. Eid Ali Ahmed kaalintii uu ka qaatay diyaarintiisa. Waxa uu sheegay in qorshahan cusub uu si weyn u xoojinayo awoodda Baanka Dhexe ee Somaliland, isla markaana uu yahay qorshe casri ah oo la jaanqaadaya heerarka maaliyadeed ee caalamiga ah, kanaalin muhiim ahna ka qaadan kara koboca dhaqaalaha dalka.
Liibaan waxa uu intaas ku daray in qorshahani muujinayo in Baanka Dhexe uu si buuxda ugu diyaar garoobayo gudashada masuuliyaddiisa, isla markaana uu isu taagay maanta horumarinta iyo difaacidda baananka dalka. Isaga oo tilmaamay in uu yahay “hooyada baananka”, loona baahan yahay inuu hormuud ka noqdo horumarinta, hagidda iyo ilaalinta nidaamka bangiyada dalka.
Siciid Maxamed Cilmi, oo ahaa Guddoomiyihii Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland, horena u soo noqday Agaasimaha Baanka Dhexe, haddana ah guddoomiyaha diwaangelinta ururada siyaasadda Somaliland ayaa si weyn u ammaanay kaalintii Prof. Eid ee dejinta Qorshaha Istaraatiijiyadeed ee Baanka. Waxa uu tilmaamay in qorshuhu Baanka siiyey jihayn, himilo iyo higsasho cad, isaga oo xusay in hay’ad aan lahayn qorshe iyo jihayn aanay si sax ah u garan karin halka ay u socoto. Waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay Prof. Eid kaalintii uu ka qaatay dejinta qorshahaas.
Siciid Maxamed Cilmi oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maanta 1-dii November 2017 waa maalin ku weyn Somaliland oo mudan in si gaar ah loo xuso, oo la muujiyo maamuuskeeda iyo qadarinteeda, sababta oo ah maalintani waa maalin u astaysnaanaysa Baanka Dhexe, waana maalintii uu yeeshay muuqaal jiritaan iyo Qorshe Istaraatiijiyadeed. Arrintaana weaxaan uga mahadnaqayaa Professor Eid Ali Ahmed oo dejiyay qorshahaas”
Guddoomiyihii Baanka Dhexe ee Somaliland, Maxamed Cabdi Ibraahim, ayaa si weyn ugu mahadnaqay Professor Eid Ali Salaan, isaga oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay qorshe-hawleedka uu diyaariyey Professor Eid. Guddoomiyuhu wuxuu yidhi: “Maanta waxaan aad ugu faraxsanahay barnaamijyadan cusub. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa khabiir Professor Eid Ali Ahmed, oo si farshaxannimo leh u dejiyey istaraatiijiyaddan. Waxaan leeyahay: Ilaahay ha idinka abaalmariyo, sababtoo ah haddii aynaan heli lahayn qorshahan, nooma suurogasheen in aynu gaadhno himiladeenna oo ay noo hirgasho. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa khabiirka u soo dhabar-adaygay ee wax weyn nagala qabtay hawshan. Waxaa la yidhi: ‘Markaad dad hesho, ayaad duunyo heshaa.’
Sidoo kale, Professor-ku wuxuu inoo bilaabi doonaa tababar la xidhiidha hirgelinta qorshahan iyo tayeynta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha. Intaa ka dib, maalinba bog ayaynu ka furi doonnaa qorshahan cusub, si aynu tallaabo-tallaabo ugu gaadhno hadafkeenna.”