Baraarugtv com-Warbaahinta Madaxtooyada Somaliland,ayaa baahinaysa wararka ka soo baxaya qorshaha safarka Madaxweyne, Cabdiraxmaan (Cirro), ayaa la filayaa inuu bisha Septembar u safro dalka Maraykanka, isagoo hoggaaminaya wafdi ballaadhan.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kulamo la yeelan doonaan mas’uuliyiin Mareykan ah, hoggaamiyeyaal caalami ah, ganacsato iyo xarumaha daraasaadka siyaasadda, safarku ayaa lagu beegayaa Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA) ee magaalada New York.
Madaxweynaha iyo wafdiga raaci doona ayaa bilihii la soo dhaafay ku jiray diyaar-garowga safarkan. Sidoo kale, Maraykanka waxaa hore u tegay wafdi wasiiro ah oo kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin, xildhibaano iyo kooxo siyaasadeed oo Mareykan ka uga ololeeya Somaliland.
Inkasta oo Maraykanku aanu weli aqoonsan Somaliland, isla markaana uu si rasmi ah u taageero midnimada Soomaaliya, haddana gudaha Maraykanka waxaa tan iyo 2024 ka socday dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xooggan oo lagu taageerayo in Somaliland ay hesho aqoonsi rasmi ah oo ka yimaada Washington.
Safarka Madaxweyne Cirro ayaa sidaas darteed noqon kara fursad muhiim ah oo Somaliland ay Washington kaga dhaadhicin karto mowqifkeeda siyaasadeed, muhiimaddeeda istiraatiijiga ah iyo fursadaha dhaqaale ee ay gobolka ku leedahay.
baraarugnews@gmail.com

