Yaa Ka Danbeeya Dagaalka Xalay Ka Dhacay Galbeedka Somaliland Ee Salel?

0
8

“Taadhada Uu Dul-taagnaa Wasiirkan Arrimaha Gudaha Cabdale Sandheere, Shacabka Reer Somaliland-now Ma Idinka Muuqdeen Dadkii Taladu Ka Ho,aysay Ee Beelaha Ciise iyo Gudabiirsay?

Wasiirkan arrimaha gudaha Cabdale Sandheere Marna Sii ordaaya, ,Marna Soo cararaaya masuul daro ka dhalatey ayaa keentay dagaalka
Wasiirkan arrimaha gudaha Cabdale Sandheere Marna Sii ordaaya, ,Marna Soo cararaaya masuul daro ka dhalatey ayaa keentay dagaalka

Baraarugtv.com-Maareeyihii hore ee wakaalada Biyaha Hargeysa Daarood,ayaa ka hadley shaqaaqo xaley ka dhacdey Caasho-cade.waxaanuu yidhi sidan.
“Ma xidhikarto nabada ay ka shaqaynayaan Guddida nabada ee xisbiga waddani. madaxweynuhu guddida nabada uu magacaabey ee ka Soo jeeda xisbiga waddani ee siyaasiyiinta ah waxay wadaan fashil.nabada Somaliland waxa ka shaqayn jiray dad wax garad ah. maxaa diiday in dad ka madax banaan siyaasada oo reer Somaliland ah in loo diro colaalada ka dhex-jirta beeleha Ciise iyo Gudabiirsay ? masuul daro xukuumada ah ayaa keentay nabad-gelyo darada.muu aheyn shir nabada lagu Soo xidhaayo ee wuxuu ahaa mid qalalaase iyo dagaal lagu abuurayey. deeganka gaadhiga laga gubay waxa lahaa nin reer Hargeysa ah oo lagu magacaabo Cumar Aadan.waxa la kaxaystey afar gaadhi. taadhada uu dul-taagnaa ee ka ag-muuqatey wasiirka arrimaha gudaha Cabdalle Sandheere reer Somaliland ma idinka muuqdeen dadkii taladu ka go,aysay ee beelaha Ciise iyo Gudabiirsay?

Mareeyihii hore ee Daarood ayaa hadalkiisa sii raaciyey oo yidhi.”Colaad balaadhan ayaa ka jirta deegaanka Oo dad badan oo hubaysan ayaa jira.dagaalka xaley waxa sababey qaabka xukuumadu wax u wado oo tabasho laga qabo qaabka ay wax u wado ayaa keenay. Wasiirkan arrimaha gudaha Cabdale Sandheere Marna Sii ordaaya, ,Marna Soo cararaaya masuul daro ka dhalatey ayaa keentay dagaalka Beelaha Ciise iyo Gudabiirsay oo colaad baahsan ayaa ka Jira deegaanada galbeedka Awdal iyo Salel.”

baraarugnews@gmail.com