Baraarugtv.com-“Dagaalkii labaad ee adduunka oo socda ayaa nin oday ahaa oo degaankaas caan ka ahaa ayaa lagu yidhi paris jarmal baa qabsaday,wuxu ku jawaabay gaabaa ku xigta (wadaamagoy).Waxaan maqlayaa waa markii saddexaad ee madaxda somaliya yimaadaan magaalada laascaanood iyagoo fulinaya hawlo khatar ku ah qaranimada somaliland,islamarkaana waynu ka aamusnaa marka laga reebo cambaarayn afka baarkiisa ah.Imika waxaan ka baqayaa in madaxweynaha somaliya kasoo dego Egal international airport sidii horeba wasiirka madaxtooyada (khadar) inoogu sheegay inaanay waxba ku jabnayn hadii madaxweynaha soomaaliya yimaado Hargeysa.
Waxa qoray Cabdillaahi Bootaan




