Dalal Tiraddoodu Gaadhayso14 Oo Ku Midoobay Gacan Ku Haynta Awooda Iyo Ilaalinta biyaha Badda Cas

0
4

Baraarugtv.com-Dalal Tiraddoodu Gaadhayso14 Oo Ku Midoobay Gacan Ku Haynta Awooda Ilaalinta biyaha Bariga Dhexe

Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday kulan looga hadlay dhismaha Isbahaysi Caalami ah oo Difaaca Badda ah, kaas oo diiradda lagu saarayo sugidda amniga Gacanka Faaris, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Sacuudiga iyo 13 dal oo kale ayaa taageeray hindisahan, waxaana la bilaabay tallaabooyinka lagu dhisayo isbahaysigan cusub.

Dalalka ku jira hindisaha waxaa ka mid ah:

🇸🇦 Sacuudi Carabiya
🇧🇭 Baxrayn
🇩🇯 Jabuuti
🇪🇬 Masar
🇯🇴 Urdun
🇰🇪 Kenya
🇰🇼 Kuweyt
🇲🇻 Maldives
🇵🇰 Pakistan
🇶🇦 Qatar
🇸🇴 Soomaaliya
🇸🇩 Suudaan
🇹🇷 Turkiga
🇾🇪 Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen (xukuumadda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay)Saraakiisha ayaa sheegay in isbahaysigan uu xoojin doono amniga gobolka, isla markaana uu ilaalin doono marinnada muhiimka ah ee ganacsiga iyo maraakiibta caalamiga ah.Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli amniga badda ee Bariga Dhexe uu wajahayo caqabado sii kordhaya.