Xog Sir Ah:-Shir-qool Iyo Xoog Lagula Wareegayo Dhulka iyo kheyraadka bulshada Somaliland

0
2
Xog Sir Ah:-Shir-qool Iyo Xoog Lagula Wareegayo Dhulka iyo kheyraadka bulshada Somaliland
Xog Sir Ah:-Shir-qool Iyo Xoog Lagula Wareegayo Dhulka iyo kheyraadka bulshada Somaliland

Baraarugtv.com-Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta iyo wasarada am niiga iyo arimaha gudaha waa inay fahman hal arrin oo cad: bulshada deegaanada dahabka ma aha dad awood lagu cabsi gelin karo, lagumana khasbi karo inay aqbalaan wax aan danahooda iyo xuquuqdooda waafaqsanayn.

Xog Sir Ah:-Shir-qool Iyo Xoog Lagula Wareegayo Dhulka iyo kheyraadka bulshada Somaliland
Xog Sir Ah:-Shir-qool Iyo Xoog Lagula Wareegayo Dhulka iyo kheyraadka bulshada Somaliland

Macdanta dhulka ku jirta ma aha meel awood lagu muqunin karo . Haddii ay jirto qorshe ku saabsan qodista iyo ka faa’iidaysiga macdanta, waa in bulshada deegaanka lala tashadaa, xuquuqdoodana la dhowraa.melna la sara.

Ciidan, hanjabaad iyo awood ma noqon karaan beddelka wada-tashi iyo caddaalad.

Qof kasta oo isku daya inuu shacabka ku muquuniyo awood isagoo doonaya inuu dano gaar ah ka yeesho kheyraadka deegaanka, waa inuu ogaadaa in dadku aysan aamusi doonin marka xuquuqdooda la taabto.

Wasaaradda waxaan leenahay: ha u adeegsan awoodda dowladda sidii qalab lagu caburiyo bulshada ama lagu ilaashado dano shaqsiyeed.

Kheyraadka dabiiciga ahi wuxuu u baahan yahay sharci, hufnaan, caddaalad iyo oggolaanshaha bulshada ay khusayso—ee uma baahna cabsi gelin iyo muquunin.

Dhulka iyo kheyraadka bulshada laguma qaadan karo xoog. Codka shacabka lama caburin karo. Xuquuqda bulshada lama duugi karo.