cirro

0
6

Madaxweyne Cirro Tallaabo Ma Ka Qaadi Doonnaa Kooxda Lagu Naanayso G+1?

 

Hargeysa (Waaberi) Waxaa isa soo taraya doodaha siyaasadeed ee la xidhiidha xubno ka tirsan xukuumadda wada jir iyo wax-qabad ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kuwaas oo lagu eedaynayo inay ku lug leeyihiin falal la xidhiidha musuq-maasuq, ku-tagrifal hanti qaran iyo hanti uruursi aan la jaanqaadi karin dakhliga masuulka dawladeed.

 

Dooddaas waxa sii huriyey dhismayaasha waaweyn ee loo yaqaan G+1, kuwaas oo lagu sheegay inay dhisanayaan qaar ka mid ah masuuliyiinta xukuumadda,arrintan ayaa si weyn loogu falanqeeyey baraha bulshada, goobaha siyaasadda iyo warbaahinta, iyadoo su’aalo badan la iska weydiinayo halka ay ka timid awoodda dhaqaale ee lagu hirgelinayo dhismayaashaasi.

 

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Xukuumadda ama masuuliyiinta lagu magacaabayo eedahaasi, kuwaas oo si toos ah uga jawaabaya doodaha jira.

 

Dhawaan waxa sidoo kale la weydiiyey Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka in xafiiskiisu baadhitaan ku sameeyey hantida masuuliyiinta lagu xidhiidhinayo dhismayaashaasi.hase yeeshee, jawaabta uu bixiyey ayaa dhalisay hadal-hayn cusub, kadib markii uu ka gaabsaday inuu si toos ah uga hadlo arrinta, isaga oo sheegay inaan wax su’aal ah laga weydiin arrinta G+1,taasi waxay sii kordhisay su’aalaha la xidhiidha tuhunka inuu dhacay musuqu-maasuq.

 

Dhinaca kale, qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka ayaa si cad uga hadlay arrintan,kuwaas oo ku baaqay in eedaha jira loo maro hannaan sharci, isla markaana haddii ay jiraan caddaymo lagu sameeyo baadhitaan madax-bannaan, si loo ilaaliyo kalsoonida shacabka iyo isla xisaabtanka hay’adaha dawladda.

 

Xildhibaan Khadar Guun oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa isagoo ka hadlaya dooddaasi yidhi:-“Horta teamkan wajiga ka ictisaam gacmahana ka tuugta ah ee G+1-ka boobka ku dhisanayaa ma buulal kiro ah bay ka soo dareereen?”

 

Sidoo kale, Xildhibaan Siciid Cudhay oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa isaguna walaac ka muujiyey dhismayaashaasi, waxaanu yidhi:-“Horta dadkani ma buulal bay ku noolaayeen markii hore? Musuqmaasuqu inuu xadhkaha goostay waxa lagu garan karaa guryahan G+1 ay xubnaha xukuumaddu dhisanayaan. Xafiiskii Hanti-dhawraha Qaranku miyaanu arkay?”

 

Dhanka kalena, La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga, Mudane Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare), ayaa noqday masuulkii ugu horreeyey ee si dadban uga hadla doodda G+1.

 

Isagoo ka hadlayey munaasibaddii aaska Marxuum Faysal Xiis, waxa uu sheegay in marxuumku aanu ka mid ahayn masuuliyiinta ku mashquula hanti uruursiga iyo dhismayaasha waaweyn.”Wuxuu ahaa nin aan hanti iyo adduun badan ka tegin. Kama uu mid ahayn dadka dhismayaasha waaweyn ee G+1-ta ah maalin kasta la arkayo inay dhistaan. Wuxuu ahaa qof si daacadnimo ah ugu adeegay dalkiisa, isla markaana aan naftiisa u shaqaysan,” ayuu yidhi Ismaaciil Yare.

 

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa tan iyo intii uu talada dalka qabtay marar badan ku celceliyey in xukuumaddiisu ku shaqayn doonto isla xisaabtan dhab ah iyo siyaasad uu ku tilmaamay eber musuq-maasuq.

 

Hase yeeshee, doodaha sii xoogaysanaya ee ku saabsan kooxda lagu naanayso G+1 ayaa noqday mid si dhow isha loogu hayo, iyadoo la eegayo in xukuumaddu qaadi doonto tallaabooyin lagu baadho eedaha jira iyo in kale.

 

Sidaas awgeed, arrintan ayaa noqotay imtixaan siyaasadeed oo horyaalla Madaxweyne Cirro, maadaama natiijada ka soo baxda sida ay xukuumaddu uga jawaabto eedahaasi ay saamayn ku yeelan karto kalsoonida shacabka iyo sida loo arko ballanqaadyadii la xidhiidhay la dagaallanka musuq-maasuqa.

 

Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda ma jirto hay ad garsoor ama baadhitaan rasmi ah oo si kama dambays ah u xaqiijisay eedaha loo jeedinayo kooxda lagu naanayso G+1. Hase yeeshee, arrintani waxay weli ka mid tahay doodaha siyaasadeed ee sida weyn looga hadal hayo Somaliland, iyadoo bulshada iyo dhinacyada siyaasadda ay si dhow ula socdaan halka ay ku dambayn doonto iyo tallaabada ay qaadi doonaan hay adaha ay khusayso