Baraarugtv.com-
Diyaaradaha shidaalka ee Mareykanka oo laga daadgureeyay garoonka Ramon kaddib weerarkii Caqaba.
Warbaahinta Isrl ee Kanaalka 13-aad ayaa sheegtay in diyaarado shidaal qaada oo Mareykan ah laga saaray ama laga daadgureeyay Garoonka Diyaaradaha Ramon ee koofurta Isrl, kaddib weerarkii gantaallada ee lagu beegsaday magaalada Caqaba (Aqaba) ee Urdun.
Sida ay warbixintu sheegtay, tallaabadan ayaa loo qaaday arrimo la xiriira amniga iyo ka hortagga khatar kasta oo ka dhalan karta xiisadda sii kordheysa ee gobolka.
Sidoo kale Raadiyaha Ciidanka Isrl ayaa sheegay in nidaam difaac cirka oo Mareykan ah uu dhexgalay oo burburiyay laba gantaal oo laga soo tuuray Iran kuna wajahnaa magaalada Caqaba (Aqaba) ee Urdun.
Warbixintu waxay sheegtay in nidaamka difaaca Mareykanka uu ka hortagay gantaallada ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedkooda, iyadoo sidoo kale la hawlgeliyay nidaamyada difaaca ee Isrl sababo la xiriira khatarta ka dhalan karta jajabyada gantaallada.

