#”Hadhow Baad Odhan Hablo Guun Ah Iyo Doob Hurdaa Ihelay Cabdiraxmaan Cirroy.”/Baabulahey Beesha Ciidagale


RSI TV-“fariintaydu waxay maanta ku socotaa Madaxwynaha Cabdiraxmaan Cirro.daaqada UGA geliya hadalkayga Cirro.dhamaan shacabkii Gobolada dalka oo dhan,Awdal,Maroodojeex,Sanaah,Togdheer iyo Saaxil maanta shacabku ma qaadi-karo cashuurtan aad saartey. shacabkii maanta way qayliyeen meel kasta oo joogaan. Cabdiraxmaan Cirroy taladu waxay talaa, adiga weeye. Wasiirkaaga Maaliyadu shacabkaba ma oga waxay ku sugan yihiin.iyagoo la daalo dhacaqya soxirbarar,shidaalkii oo lagu kiciyey xaalad xun ku sugan ayaa cashuurna dusha Laga saarey.Cabdiraxmaan Cirroy kuwii Boorama ku dhex-dhigay,dhiiqana ku geliyey,ayaa maantana doonaaya inay ku geliyaan tii Boorama ka dhacday oo kale. shacabkii mar qudha ayey wada qayliyeen. Agaasimahan yar ee aad dhigatey Wasaaradda Maaliyadda maaha mid Rag iyo rabina yaqaan.intay meel soo fadhiisatey ayey iskaga haddashey ,haddal waalan. hadhow baad odhan hablo guun ah iyo doob hurdaa ihelay Cabdiraxmaan Cirroy.”Sidaa waxa yidhi Afhayeenka iskii isu-diray ee aqalka qoyska Madaxweynaha Somaliland Baabulaahi Maftuux.
#RSI TV



