Guddoomiyaha Waddani Xirsi Oo ku Kacey Talaabooyin Ku Cusub Somaliland

0
22

Baraarugtv com-‎Barmaamijka Lahadal Xisbigaaga Oo Warbixintiisa Laga Jeediyay Shirka Golaha Wasiirrada.

‎Fadhigii 67-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uuna wehelinayo Madaxweyne kuxigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL ayaa lagaga warbixiyay Barmaamijka “La Hadal Xisbigaaga.”

‎Warbixinta Shirka Golaha Wasiirrada ee Barnaamijka Lahadal Xisbigaaga oo nuxurkeeda lagaga warramay War-saxaafadeed shirka maanta, ayaa sidan u dhignayd.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay warbixin la xidhiidha furitaanka Barnaamijka “la hadal Xisbigaaga”, isaga oo xusay in ujeeddada Barnaamijkani ay tahay xoojinta wada-shaqaynta iyo xidhiidhka u dhexeeya Xukuumadda iyo Xisbal-Xaakimka. Wasiirku waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Masuuliyiinta Golaha Wasiirradu ay si toos ah ugu xidhmaan Xisbiga talada haya, si loo xoojiyo wada-xidhiidhka, ka war haynta bulshada, isla-xisaabtanka iyo is-waafajinta hawlaha Xukuumadda iyo himilooyinka iyo barnaamijyada Siyaasiga ah ee uu leeyahay Xisbiga talada dalka haya ee WADDANI.

Barmaamijka ” Lahadal Xisbigaaga” ayaa ah mid masuuliyiinta xukumadda iyo taageerayaasha xisbigu ku kala war qaadanayaan, waxaana daahfuray wasiirka madaxtooyada JSL, Md. Khadar Xuseen Cabdi oo kulan ballaadhan taageerayaasha xisbiga kula qaatay Xarunta Dhexe 28-kii June, 2026, waana barmaamij todobaadkiiba mar la qaban doono.Barmaamijkan, ayaa ka dhashay amar Madaxweyne, oo uu Madaxweynaha JSL hore u bixiyay, ujeedkiisuna ahaa xoojinta isku-xidhnaanta Xukumadda iyo taageerayaasha Xisbiga.