Somaliland,(Baraarugtv.com)-Sida xaqiiqadu tahay cashuurtan (2.5%) ee shirkadaha adeega (Zaad & Edahab) damacsan yihiin inay ka goostaan mar kasta oo wax lagu iibsado adeega (Zaad & Edahab), maaha cashuur hoos loo dhigay, laakiin waa cashuur dheeraad ah oo shacabka-SL la saarayo, sababtoo ah cashuurta iibka alaabooyinka lasoo waarido (GST=5%) waxay dawladu markeeda horeba ku qaadaa kastamada, kadibna shirkadaha wax iibiyaa waxay cashuurta laga qaaday (5%) saaraan iibka alaabta.
Sidoo Kalena, waxa sharci-daro weyn ah in shirkado private ahi sida (Zaad & Edahab) ay cashuur dawladeed qaadaan, sababtoo ah waxa adag sidii loo ogaan ahaa xadiga lacagta ay qabteen.
waxa qoray Cali Rooble



