Maxay Ku Qaban Doontaa Xukuumadda Cirro Cashuurta Cusub Ee ku Soo Rogtay Dhacabka Somaliland?

0
33

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku dhawaaqday in maalinta Sabtida ee 11 July si toos ah loo hir gelinayo qaadista cashuurta cusub ee GST taas oo ah cashuur laga qaadayo qof kasta oo wax iibsanaya. Cashuurtan oo qadarkeedu uu yahay 2.5% waa cashuur uu jideeyey xeerka dakhliga guud ee cashuuraha xeer Lr 72/2016.Waana cashuur laga qaado dalalka adduunka intooda badan.

Su’aashu kama taagnaa sax ahaanshaha cashuurta waxase dad badani is waydiinayaan cashuurtan waxa lagu qabanayo ee muwaadinka laga qaaday loogu beddelayo?
Tusaale ahaan waddamada waddamada Kenya iyo Ethiopia waxa ay dawladahoodu dadka cashuurtan ugu beddelaan adeegyada nolosha asaasiga u ah sida biyaha, caafimaadka, Laydhka, dhismaha waddooyinka, waxbarashada, shaqo abuurka, daryeelka guud iyo sugidda amniga.

Somaliland cashuurihi hore ee dadka laga qaadi jirey badanka waxay ku baxaan kharash dawladeed mana jirto wax la sheegi karo oo dadka lagu soo celiyo. Muwaadinku isaga ayaa bixiya kharashka waxbarashadiisa xataa jaamacadaha dawladda, caafimaadka isagaa is debera, shidaalka ganacsatada ayaa jaan goysa mana jiro kab dawladeed, waddooyinka waxa dib qaadhaan looga qaada muwaadinka marka la dhisayo!

Haddii qofku wax geysto sida dil, dhaawac iyo wixii la mid ah isagaa ayaa iska bixiya mana jiro wax kaga soo noqda cashuurtiisa.Shaqo abuurka dawladdu waa mid aad u yar ama guud ahaanba aan dalka wada gaadhin. Dhallinta looma sameeyo garoomo dawladeed iyo goobo ay ku madadaashaan.

Haddaba cashuurtan cusub maxaa loogu qaban doonaa muwaadinka, maxay kaga duwanaan doontaa cashuurihii hore ee aan dadka waxba kaga soo noqon jirin?

Haddii dawladda dhaqaale badan oo cashuurtan ka dhalatay uu soo gelayo maxaa muwaadinka bixiyey soo gelaya oo uu dheef ka heli doonaa? Waxbarashada malla kabi doonaa, caafimaadka malla balaadhin doonaa, shaqo abuur malla samayn doonaa? Mise kharash ayay mar kale cashuurtanina noqon doontaa?

Waa su’aalo shacabku is waydiinayaan oo hor taalla xukuumadda una baahan jawaabo maan gal ah oo qancin kara muwaadinka cashuurta lagu soo rogay?

Tusaale Ethiopia Koronto jaban ayuu shacabku helaa, waxbarasho bilaash, caafimaad jaban iyo shidaa jaban oo xukuumadda dhexe kabto .
Haddii shacabka Somalilan oo intooda badan danyar u badan ay shubaan cashuurta ku waajibtay ee iib ma heli doonaan waxyaabo beddel ah oo xukuumaddu u qabanayso ?

xigasho Gallaydh TV

email caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com