Dawladda Mareykanka Oo Lacagtii Ka Jartey Ciidamada hawlgalka AUSSOM Ee Soomaaliya

0
28

Baraarugtv.com-Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu wargaliyay Midowga Afrika inay lacagta ka goosteen dhammaanba hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya laga bilaabo 31 Dec 2026.

Warqad rasmi ah oo safiirka Mareykanka ee AU uu u diray Xafiiska Midowga Afrika ee Addis Ababa, taas oo aan nuqul ka mid ah helnay, ayaa sheegeysa:

1 Laga bilaabo 31 Dec 2026, dhamaanba ciidamada Afrikaanka ee jooga Soomaaliya wax lacag ah looma haayo.

2) Warqadda waxay si adag u sheegtay in Soomaaliya ay noqotay meel aah horumar lahayn, oo Al-Shabaab ay dib u soo qabsaneyso deegaano badan.

3) Mareykanka inuu ka quustay taageerada Soomaaliya oo hal bacaad lagu lisay noqotay, khilaaf iyo is heysad iyo qabiilo hubeysan ay ka taliyaan.4) Warqadda waxay sheegtay in USA ay Soomaaliya ku bixisay 16. bilyan doolar oo gargaar iyo horumarinta ciidamada; 2 bilyan doolarna Mareykanka uu siiyay AMISOM tan iyo 2007. Waxaas oo dhanna aysan wax natiijo ah keenin.