Hargeysa(Red Sea Intelligence)”Siyaasadda dibadda ee dal kastaa waa inay ku dhisnaataa danta qaranka, ee aanay ku salaysnaan cabsi laga qabo isbeddellada siyaasadeed ee dunida.Xidhiidhada caalamiga ahi mar walba way is beddelaan; dawladuhu way is beddelaan, isbahaysiyaduna way kala guuraan. Dalalka ay siyaasadoodu guulaystaa maaha kuwa ku jira waite and see. balse waa kuwa qaata go’aanno istaraatiiji ah oo u adeegaya danta dakooda iyo dalkooda.Somaliland waxay u baahan tahay diblomaasiyad dheellitiran, xeeladaysan, oo aragti fog leh. Xidhiidh lala yeesho hal dal macnaheedu maaha colaad loo qaadayo dal kale.
Diblomaasiyadda guulaysata waxay ku dhisan tahay balaadhinta saaxiibtinimada iyo iskaashiga, ee kuma dhisna xulafaysi cid kale lagaga soo horjeedo.
Marxaladdan, waxa Somaliland looga baahan yahay waa inay sii waddo xidhiidhka iyo wada-shaqaynta ay la yeelanayso dhammaan dalalka diyaar u ah inay la shaqeeyaan, iyadoo mar kasta ilaalinaysa madaxbannaanideeda, danaheeda qaran, iyo himilada shacabkeeda.Taariikhdu waxay xusuusataa dalalka go’aamada ku qaata kalsooni, aragti fog, iyo diblomaasiyad bisil—not kuwa ku shaqeeya siyaasad ku dhac la’aan kalsooni La’aan hubanti la’aan iyo laba-labayn.Danta Qaranku waa inay ka sarreyso wax kasta.”Sidaa waxa qoray Mohamed Ali Obama


