Bangiga Dawladda Somaliland Waa Shirkadda Telesom

0
82

Baanka Somaliland iyo Hay’adda Central Deposit Insurance Corporation (CDIC) ee Taiwan ayaa saxeexay Heshiis Is-afgarad (MOU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada caymiska dhigaallada bangiyada, horumarinta nidaamka maaliyadeed iyo xasilloonida hay’adaha maaliyadeed ee Somaliland.

Bangiga Dawladda Somaliland Waa Shirkadda Telesom
Bangiga Dawladda Somaliland Waa Shirkadda Telesom

  1. Munaasabadda saxeexa heshiiska waxaa goob-joog ka ahaa masuuliyiin sare oo ka kala socday Somaliland iyo Taiwan, oo ay ku jiraan Safiirka Somaliland ee Taiwan, Ambassador Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal), iyo Safiirka Taiwan ee Somaliland, Ambassador Allen Chenhwa Lou.

 

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa sheegay in heshiiskani gacan ka geysan doono ilaalinta dhigaallada shacabka, xoojinta kalsoonida bangiyada, horumarinta aqoonta farsamo iyo dhismaha nidaam maaliyadeed oo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.Heshiiskan ayaa sidoo kale la filayaa inuu kor u qaado maalgashiga, xoojiyo waaxda maaliyadda, isla markaana taageero koboca dhaqaalaha Somaliland.