Hargeysa ,(Baraarugtv.com)-Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa ku tilmaamay kuwo faaruqa hadallada iyo hanjabaadaha ka soo yeedhay Dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya, waxaanu xusay in dhawaaqyadoodu wax saamayn ah ku yeelan karin xidhiidhada diblomaasiyaddeed, iskaashiga istaraatiijiga ah iyo wada-shaqaynta caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland la leedahay Israa’iil.
Afhayeenku waxa uu sidaas ku sheehay qoraal uu ku baahiyay barta X (Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka ee SOLNA, waxaanu faahfaahiyay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal ku dhisan nabad, dimuqraaddiyad iyo deris-wanaag oo ay si joogto ah u ilaaliso danaha qarankeeda, una xoojiso xidhiidhada ay la leedahay dalalka caalamka.
Xuseen Deyr waxa uu intaas ku daray in hadallada colaada hurinaya ee ka imanaya Muqdisho aanay cabsi gelin doonin Somaliland, isla markaana aanay hor istaagi karin dedaallada ay ku horumarinayso iskaashigeeda caalamiga ah.
Afhayeen Deyr, waxa uu hoosta ka xariiqay in shacabka Somaliland ay awood buuxda u leeyihiin difaaca dalkooda, ilaalinta madax-bannaanidooda iyo dhawrista qarankooda dimuqraadiga ah, kaas oo uu sheegay inay ku dhiseen halgan naf-hurnimo ah iyo adkaysi.
Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland ayaa ugu dambayn uga digay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo cid kasta oo uu ku tilmaamay inay garab siinayso, in haddii ay doortaan waddada gardarrada iyo iska hor imaadka hubaysan, aanay u qaadan in Somaliland ay kali ku tahay difaaca qaranimadeeda, isaga oo carrabka ku adkeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay diyaar u tahay ilaalinta madax-bannaanideeda, amnigeeda iyo danaheeda qarannimo.


