Dhulgariir Ku Dhuftay Dalka Iiran.

0
68

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 4.9 ayaa ku dhuftay koonfurta Iran.

Iran,(Baraarugtv.com)-Dhulgariircabbirkiisu yahay 4.9 magnitude ayaa aroornimadii Talaadada (Juun 9) ku dhuftay koonfurta Iran, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran. Gariirka ayaa laga dareemay qaybo ka mid ah gobolka Hormozgan Province.

Xarunta dhulgariirka ayaa lagu sheegay inay ku taallay qiyaastii 113 km waqooyi-bari kaga beegan magaalada Bandar Abbas. Dekedda Bandar Abbas waxay ku taallaa waqooyiga marinka istaraatiijiga ah ee Strait of Hormuz, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah ee shidaalka.

Dhulgariirkan ayaa yimid iyadoo xiisado militari ay ka jiraan gobolka, kadib weerarro ay Israa’iil ku qaaday Iran iyo qaraxyo laga soo sheegay magaalooyin dhowr ah oo ay ku jirto caasimadda Tehran.

Hay’adda Sahanka Juqraafiga ee Maraykanka ee United States Geological Survey (USGS) ayaa xaqiijisay in dhulgariirku ahaa 4.9 magnitude, iyadoo xaruntiisa ku sheegtay meel qiyaastii 101 km waqooyi kaga beegan magaalada Minab.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya inaan la soo sheegin dhimasho ama burbur weyn oo dhismayaal ah, iyadoo hay’adaha gurmadka degdegga ahi ay weli qiimeynayaan xaaladda ka dhalatay dhulgariirka.