Burco qorshe fog ayaa loo dejiyay.
Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Burco hore waxa looga xidhay xoolihii dhaqaalaheedu ku tiirsanaa ee ilaa Beledweyn ka iman jiray Sayladda Burco-na lagu iibin jiray.Madaxda Hay’addaha caalamiga waa loo-baqa-geliyaa oo Berbera u soo hurdo taga ayaa lagu dardaarmaa. Hal mashruuc oo weyn xukuumadda hadda joogta iyo kuwii hore-toona kama hirgelin. Waa caasimadda labaad ee Somaliland welina Laybareerigeedii( Maktabad) looma dhisin xattaa laguma talo jiro.
Intan lagagama hadhin ee waxa lagala dagaallamayaa sumcadda ay Soomaalida ku dhexleedahay tusaale Saddiiq Faarax Haybe oo lagu xidhay Burco waxa uu yimid Hargeysa ilaa lix jeer xattaa intii aanu Burco aadin todobaad ayuu joogay Hargeysa lama taaban.
Waxa jira wiil ka sii horreeyay oo isna la xidhay markii uu Burco tegay.
Waxa kale oo jira Burco waa magaalada keliya ee loo ogolaaday rag cullimo ah oo Boolis lagu daro si ay dhallinyarada cawayna u soo qabqabtaan hadda magaalo kale oo Somaliland ah kama jirto.Qofku haddii uu dambi galay waa la xidh karaa laakiin qorsha Burco loo dejiyay waa mid fog oo gun dheer.
Dhallinyarada reer Burco waa in ay aragti fog wax ku eegaan.


