Malaayiin Muwaadiniinta Danyarta Ah Ee Reer Somaliland,Oo Wajahaya Duruufaha Ugu Adag Dhaqaale.

0
108

Ku: Xukuumada JSL

Baraarugtv.com-Gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee JamhuuriyaddaUjeeddo: Baaq ku saabsan Ka-reebista Cashuurta GST ee Adeegyada iyo Agabka Daruuriga ah ee Bulshada Danyarta ah

Mudane Wasiir,

Anigoo tixraacaya wareegtada dhowaan ka soo baxday xafiiskaaga ee ku saabsan dhaqan-gelinta Cashuurta Alaabta iyo Adeegyada (GST), waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa qoraal kooban oo xambaarsan baaq iyo tallooyin ku saabsan badbaadinta iyo ilaalinta nolosha malaayiinta muwaadiniinta danyarta ah ee reer Somaliland, kuwaas oo wajahaya duruufaha ugu adag ee dhaqaale.

Nidaamka GST waa nidaam caalami ah oo kor u qaada dakhliga dawladda, laakiin haddii aan loo hirgelin qaab cilmiyeed miisaaman, wuxuu noqdaa cashuur “dib-u-dhac ku keenta bulshada” (Regressive Tax), taas oo culayska ugu weyn ku dhufta dakhli-yaraanta halkisii laga rabay inay ku dhacdo dadka hantida leh.

Haddaba, si loo dheellitiro dakhliga dawladda iyo bedqabka shacabka, waxaan si miisaaman kuugu soo jeedinaynaa qodobadan sharciga iyo curfiga dawladnimo ku dhex leh:

1. Waajibaadka Dastuuriga ah iyo Naxariista DawladnimoSida ku cad Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, dawladdu waxay matashaa shacabka, waxaanay waajib ku tahay inay ilaaliso fayo-qabka noloshooda, nabadgelyadooda cuntada, iyo helitaanka baahiyaha aasaasiga ah. Maadaama waaqica dhabta ah ee dalka uu yahay in inta badan bulshadu aanay awood u lahayn iibsiga raashinka maalinlaha ah—iyadoo dalku aanu lahayn nidaam xaddidaya ama kaantaroolaya qiimaha iibka ee ay ganacsatadu sida ay rabaan u gooyaan—ku soo rogidda GST ee mashiinka nolosha shacabka waxay keenaysaa in dad badani ay iibsan kari waayaan cuntada, qaarna aanay xamili karin, taasina waxay horseedi kartaa khataro badan oo dhinac nolosha iyo nabadgelyada bulshada ah.2. Saamaynta Colaadaha Bariga Dhexe iyo Sicir-bararka TaaganMudane Wasiir, waxaa muhiim ah in la xasuusto in dalkeenu uu ku tiirsan yahay agabka dibadda laga soo dhoofiyo. Dagaalada iyo xiisadaha ka taagan gobolka Bariga Dhexe iyo marinada biyaha ee caalamiga ah waxay keeneen in uu horey u sii kordho qiimaha dhoofinta, xamuulka, iyo caymiska maraakiibta. Dhibaatadaas caalamiga ah waxay si toos ah u sababtay kor u kac xoogan oo ku yimid sixirka raashinka iyo cuntooyinka daruuriga ah ee dalka gudihiisa, iyadoo shacabku ay muddo dheer la cadibnaayeen culayskaas.

iyadoo ay taasi jirto, dawladuna aanay ilaa hadda waxba ka qaban xakamaynta sicir-bararkaas horyaalay, in waqtigan xaadirka ah lagu sii daro cashuur GST ah cuntooyinka daruuriga ah waa culays kale oo laba-laab ah oo si toos ah loogu riday dhabarka shacabka danyarta ah ee aan qaadi karin ragaad intan ka badan.3. Curfiga Caalamiga ah ee Ka-reebista (Tax ExemptionsDhammaan waddamada caalamka ee isticmaala nidaamka GST/VAT, waxa jira xeer caalami ah oo u reeban ilaalinta danyarta (Zero-Rated ama Exempted Goods). Sidaas darteed, waxaan si xooggan uga dalbanaynaa wasaaradda in wareegtada lagu daro qodob si cad uga dhaafaya GST waxyaabaha hoos ku xusan:• Raashinka Daruuriga ah: Gaar ahaan sida bariiska, qamadiga, sokorta, saliidda, caanaha, iyo hilibka.• Caafimaadka iyo Daawada: Gabi ahaanba adeegyada caafimaad iyo agabka daawada ee bulshadu u baahan tahay.• Waxbarashada: Agabka waxbarashada iyo fiisayada iskuulada iyo jaamacadaha si aanay dhalinyaradu uga hrin aqoonta.• Baahiyaha Nolosha: Biyaha la cabo iyo adeegyada korontada ee aasaasiga ah.4. Sinaan Maaliyadeed iyo Ilaalinta Shacabka SomalilandMabda’a caalamiga ah ee cashuuraha wuxuu dhigayaa “Canshuur bixintu waa inay u dhigantaa awoodda maaliyadeed ee qofka” (Ability-to-Pay Principle). Bulshada reer Somaliland dakhligoodu aad ayuu u hooseeyaa, ma xamili karaan in cashuur dheeri ah lagu dul rido cuntadii horeba qaali u ahayd. Dawladdu waa inay marka hore dhisataa nidaamka kaantaroolka suuqa (Price Control) ka hor intaanay cashuur ku soo rogin alaabta dhex tiilba.Gunaanad:Mudane Wasiir, in aad si dhab ah u eegto waaqica ka dhashay xaaladaha gobolka iyo nolosha dadka aad xukunto waa hoggaamin suuban iyo waajib akhlaaqi iyo mid sharci ah. Waxaan kaa codsanaynaa in aad dib u eegis weyn ku samayso wareegtada, adoo adeegsanaya qaabka ka-reebista cashuurta (Exemptions) si shacabka sharafta leh ee danyarta ah looga badbaadiyo cidhiidhi nololeed oo hor leh, loona ilaaliyo xasiloonida bulshada iyo midda dhaqaale ee dalka.lAllaa Mahad Leh,Garyaqaan Mohamed Mohamoud HashiTaariikhda: 07 Juun, 2026.

Email caarshe7@hotmail com or baraarugnews@gmail.com