Mee Ballan-qaadyadii Codkooda Kugu Siiyeen Shacabka Reer Somaliland?

0
81
.Kalthum Adam Hashi Elmi.

“Mee Hiigsigii iyo Himiladii Shacabku Codkooda Ku Siiyeen Dowladda?…Kalthum Adam Hashi Elmi.

Mee ballanqaadyadii ay xukuumaddu ku ololaynaysay?

Mee buuggii xisbiga Waddani?

Meeday caddaaladdii iyo sinaantii la ballanqaaday?.Kalthum Adam Hashi Elmi.

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-Waxaynu wada ognahay in sinaan iyo caddaalad wax ka wanaagsan aanay jirin, waana tiirka lagu dhiso kalsoonida shacabka iyo horumarka dalka.

Cabudhin iyo xadhig lagu ma xukumi karo dal. Haddii caqliga wada-tashiga iyo dulqaadku shaqayn waayaan, waxaynu wada ognahay cawaaqib-xumada ka dhalan karta.

(Nin kasta wixii shalay la xumaa yaanu maanta la fiicnaan) .

Waxaan leeyahay ha laga baxo mashquulka lagu mashquulinayo shacabka aan waxba galabsan. Waxaa habboon in laga shaqeeyo dhibaatooyinka dhabta ah ee bulshada horyaalla, lagana soo baxo ballanqaadyadii shacabka loo qaaday.

Iyadoo aan weli laba sano idiin dhammaan, shacabku waxay sugayaan inay arkaan himiladii, qorshayaashii iyo waxqabadkii loo ballanqaaday. Haddii tani noqotay aragtidiinii iyo habkii aad wax ku waddeen, ma muuqato rajo weyn oo laga qabo in mustaqbalka la keeno wax ka duwan ama ka wanaagsan.

Shacabku wuxuu mudan yahay waxqabad, caddaalad iyo in loo fuliyo ballanqaadyadii lagu kasbaday kalsoonidiisa.

“Shacabku waa lama huraan, adeeggooduna waa mudnaanta koowaad.”

Kalthum Adam Hashi Elmi

Musharraxa G/W ee G/Maroodi Jeex

Political leadership and women activists.

Xisbiga KAAH – Somaliland

Waxa qortey .Kalthum Adam Hashi Elmi.