Ujeeddada:-Muxuu Daarnaa Kulankii Dhex-marey Sheekh Shariif iyo Farmaajo

0
86

Muqdisho,(Baraarugtv.com)-Guriga uu nawaaxiga garoonka Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho ka deegan yahay Madaxweynihii 7aad ee dalka, Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan xasaasi ah ayaa maanta isugu yimaadeen Madaxweyneyaasha hore ee dalka oo kala ah, Shariif Sheekh Axmed iyo sidoo kale Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.Kulamadaan oo soo bilowday maalintii shalay ayay dhinacyadu maanta go’aano kasoo saareen iyagoo kaga hadlay xaaladda dalka uu galay iyo muddo xileedka dhammaaday Madaxweynihii hore ee Soomaaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ee wali ku dhex sugan Villa Soomaaliya iyadoo aan laga helin heshiis doorasho uu dalka aadayo la’isla leeyahay.Madaxdii hore ee dalka ayaa si wadajir ah u qiray in dalka uu galay xaalad halis badan oo ay ku dumi karto dowladnimada Soomaaliya iyadoo ay sidoo kale walaac ka muujiyeen tallaabooyinkii ay qaaday dowladda muddo xileedka uu dhammaaday ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sh. Maxamuud, kuwaasi oo ay ugu horreeyaan dagaalladii lagu qaaday xubno kamid ah mucaaradka kuwaasi oo ka kala dhacay degmooyinka Howlwadaag iyo sidoo kale degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir iyo ficiladii ugu dambeeyay ee saacadihii lasoo dhaafay lagu beegsanaayay guryo ku yaalla magaalada Muqdisho oo ay leeyihiin siyaasiyiin iyo sidoo kale hoteelka Elite ee la beegsaday halka sidoo kale iska horyimaadyo dhexmareen ciidan taabacsan Wasiirkii hore ee Amniga, Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo ciidanka dowladda Soomaaliya.