com)-Dhimashada iyo khasaaraha ka dhashay mudaharaadka ka dhacay Degmada Sheekh ee ay dhi

0
51

Sheekh,(Baraarugtv com)-Dhimashada iyo khasaaraha ka dhashay mudaharaadka ka dhacay Degmada Sheekh ee ay dhigeen shacab aan hubaysnayn, kuwaas oo ka cabanayay xadhigga Suldaan Qaabile, waa dhacdo murugo leh oo aan ku habboonayn dhaqanka, qiyamka iyo hannaanka dawladnimo ee Somaliland ku soo caano maashay.Dhacdadan waxay muujinaysaa baahida loo qabo in arrimaha xasaasiga ah ee la xidhiidha bulshada iyo madax-dhaqameedka lagu maareeyo xikmad, dulqaad siyaasadeed, iyo ku dhaqanka sharciga, halkii laga dooran lahaa tallaabooyin sii hurin kara xiisadaha bulshada. Naf kasta oo ku baxda xaaladahan oo kale waa khasaare qaran oo u baahan baadhitaan hufan, madax-bannaan, iyo isla xisaabtan lagu kalsoonaan karo.Sida aanu horeba ugu baaqnay, waa in Suldaan Axmed Muuse (Suldaan Qabile) xorriyaddiisa dib loogu soo celiyaa. Sidoo kale, waa in la dhawraa xuquuqda muwaadiniinta sidda nabad gelyada u cabbiraya aragtidooda iyo cabashooyinkooda.