Hogaamiyaha -Kacaanka Iiran Oo Sii Daayey Hadal Ka Nixiyey Dalalka Reer Galbeedka Iyo Maraykanka

0
82

Hoggaamiyaha -Kacaanka Iiran,ayaa qoraal cusub oo maanta uu soo saaray wuxuu ku dhawaaqay go’aan wadno qabad ku ah Trump iyo xertiisa. Wuxuu yiri: 90 Million oo Iiraaniyiin ah ayaa ilaashanaya Nuclear-ka iyo gantaallada casriga ah. Mojtaba ayaa ku dhawaaqay in “cutub cusub” uu u furmayo marinka Hormuz, isagoo caddeeyey in Iran ay dejin doonto “shuruuc iyo maamul cusub” oo lagu xakameeyo marinka, kadib duullaankii lagu soo qaaday Iraan.

Farriintiisa oo ku soo aaday munaasabadda Maalinta Qaranka ee Gacanka Faaris ayuu Mojtaba Khamenei wuxuu Mareykanka ku eedeeyay inuu yahay sababta ugu weyn ee amni darrada gobolka, wuxuuna sheegay in ciidamada shisheeye aysan mustaqbalka sii joogi karin Gacanka Faaris.Wuxuu sidoo kale intaas ku sii daray in Iraan ay sii wadi doonto difaaca marinka Hormuz, islamarkaana ay ka hortagi doonto maraakiibta “dalalka gardarrada wada” iyo taageerayaashooda.